“Waxaa isu-kay qaban la’ sida dawladaha qaarkood ugu deg-degayaan faro-gelinta arrimaha gudahayaga iyo sida ay uga warwareegayaan dhex-dhexaadinta is marin-waaga Somaliland iyo Somalia”
Hargeysa, 19 May, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka digay colaado hor leh oo taageerada Milatari ee beesha Caalamku siiso Soomaaliya ka dhliyaan mandaqadda Geeska Afrika, isaga oo xusay inay arrintaasi suurta-galinayso hanjabaado ka soo yeedhaya madaxda Soomaaliya oo ku tiraaba inay soo celiyaan midnimada dalkii laysku odhan ijray Soomaaliya iyagoo adeegsanaya saannadda milatari ee beesha Caalamku ku taageerto.
Md Axmed Siilaanyo waxa uu beesha caalamka ugu baaqay inay ka fiirsadaan hubaynta iyo dhismaha dowladda Soomaaliya, iyada oo cuna-qabatayn xagga hubka ahi saaran tahay dalweynihii laysku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Somaliland qayb ka ahaan jirtay.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ka jawaabay dhawaaqyo dhawaan ka soo yeedhay beesha Caalamka oo sharci-darro ku tilmaantay go’aankii Golaha Guurtidu muddo-kordhinta ugu sameeyeen Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada oo dalka ka abuuray muran siyaasadeed, kaddib markii xisbiyada mucaaradku ku gacan-saydheen go’aankaas, waxaanu Md Siilaanyo ugu baaqay inaanu dalkiisu u baahnayn faro-gelinta dibadeed iyo cid dhex-dhexaadin ka gasha khilaafka siyaasadeed ee gudaha dalka, in kasta oo uu beesha Caalamka ku ammaanay, ugana mahad-celiyey taageerada dhaqaale iyo horumarineed ee ay siiyaan Somaliland.
Madaxweynaha oo khubad ka jeediyey xuska munaasibaddii 18 May ee shalay oo loogu dabbaal-degay 24-guurada maalinta madax-bannaanida Somaliland, waxa uu ugu horeyn shacbiga ku hambalyeeyey Xuska munaasibadda 18 May, isaga oo ka hadlay qiimaha maalintani u leedahay qaranimada, waxaanu yidhi, “Ugu horrayn waxaan shacbi waynaha Jamhuuriyadda Somaliland ugu hambalyeynayaa meel ay joogaanba 24 guurada ka soo wareegtay xuska munasibadda qaranka ee 18 ka May. Si gaar ah waxaan bogaadin u dirayaa geesiyaasha ciidammada qaranka kala duwan ee hadh iyo habeen heeganka u ah adkaynta amniga iyo difaaca dalka hooyo.
Midawgii dhexmaray labadii dal ee Somaliland iyo Somalia 1960-kii, wuxuu burburay 18 may 1991-kii. Maanta waxaa laga joogaa 24 sanno oo gaw ah xiligii aynu dib ula soo noqonay xornimadeena. Ubadkii dhashay iyo kuwii ababay waqtigaa ayaa maanta arriminaya, taasi waxay muujinaysaa sida uu qarankani u taabba-galay una tisqaaday.
Maalintani waa mid ku weyn quluubta shacbiga Somaliland. Ma’aha mid ku timi dhayal iyo dheel-dheel, balse waxaa loo soo qubay dhiig badan oo waxaa u shahiiday kumanaan geesi (Allaheen naxariistii jano ha ka waraabiyo).
Madax bannaanida Somaliland waa go’aan ummadeed oo aan gorgortan lahayn.”
Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah farta ugu goday wakiiillada waddamada Beesha caalamka ee taageera horumarka iyo dimuqraadiyadda Somaliland qaarkood oo uu sheegay inay soo faro-geliyeen gudaha Somaliland, waxaanu yidhi, “Beesha caalamka waxan uga mahadnaqaynaa taageerada dhinacyada kala duwan ee ay siiyaan Somaliland, gaar ahaan gacanta ay ka gaystaan arrimaha doorashooyinka iyo taabbo-gelinta dimuqraadiyada. Somaliland waxay aaminsan-tahay in xidhiidh wanaagsan iyo iskaashi xoogan ay la yeelato bulshada caalamka, kaas oo ku dhisan is qadarin iyo dano-wadaag. Qaar ka mida wakiillada dawladaha inaga taageera Doorashooyinka, waxaa ka muuqda inuu gaadhay warar xaqiiqada ka fog, kuwaas oo keenay in ay welwel ka muujiyaan dib-u-dhacaa yimid. Saaxibadayo, waxaan xasuusinaynaa in aannu ummad ahaan dhaqan iyo waayo aragnimo weyn u leenahay xakamaynta iyo xal-u-helidda khilaafyada siyaasiga ah. Waxaan shaki ku jirin in Somaliland hore ugu guulaysatay, kana soo gudubtay dhibaatooyin iyo marxalado ka culus dib-u-dhaca doorashada maanta taagan, iyada oo aan cidina soo faro-gelin.
Waxaan aaminsanahay in aannu turxaanta gudahayaga taal ku filannahay, iyadoo aannu sidii caadada noo ahayd, wada hadal iyo is af-garasho wanaagsan aannu ku dhamaysan doono.”
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu cadaalad-darro ku eedeeyey waddamo ka tirsan beesha Caalamka oo uu sheegay inaanay dhex-dhexaad ka ahayn Somaliland iyo Somaliya, waxaanu yidhi, “Waxaa xusid mudan, in aannu beesha caalamka ka codsannay inay na dhex-galaan annaga iyo walaalahayo Somalia, hasa yeeshe, weli wax jawaab ah, oo wax ku ool ah kamaanu helin. Haddaba, waxaa isu-kay qaban la’ sida dawladaha qaarkood ugu degdegayaan faro-gelinta arrimaha gudahayaga ee aanu ku filannahay iyo sida ay uga warwareegayaan ama isu diidsiinayaan dhex-dhexaadinta is marin-waaga ka aloosan dalalka Somaliland iyo Somalia, taas oo xal-u-heliddeedu muhiimad weyn u leedahay xaqa aayo ka-tashiga ummaddayada iyo guud ahaanba xasilloonida mandaqada Geeska Afrika.”
Md Siilaanyo oo ka hadlay xidhiidhka u dhexeeya xukuumaddiisa iyo waddamada Jaarka ah, waxa uu ka digay colaado sokeeyo oo ka dhasha saanad Milatari iyo dhismaha Ciidamo waddamada Beesha Caalamka ka tirsan ku taageeraan waddanka Soomaaliya.
“Si ay mandaqadda Geeska Africa u noqoto mid xasilloon oo ay shucuubteedu nabad ku wada noolyihiin, waxa Xukuumadayda ka go’an in ay sii xoojiso xidhiidhka iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka Deriska.
Waxan ognahay in dhawaanahan la wado hindise ciidammo loogu dhisayo Somalia, kuwaasoo ay dalal ka mida Beesha Caalamku ku garab siinayaan. Madaxda Somalia ayaa iyaguna ku celceliya in ay ciidammadaas u abuurayaan soo celinta midnimadii Somalia ee burburtay 1991-kii. Haddaba, waxaanu uga digayna in ay tallaabadani hurin doonto colaado hor leh iyo xasillooni darro ku soo korodha mandaqadda Geeska Africa.
Sidaa darteed, waxaanu Bulshada Caalamka ugu baaqayna in ay si qoto-dheer uga fiirsadaan dhismaha ciidankaas iyo hubka lagu soo daldalayo dalka Somalia, iyada oo Jamhuuriyadda Somaliland aan illa hadda laga qaadin Xakamaynta hubka ee guud ahaan la saaray dalkii la isku odhan jiray Somali Republic,” Sidaas ayuu yidhi Md Axmed Maxamed Siilaanyo.
Himilomedia.com
Hargeya-somaliland
No comments:
Post a Comment