Hargeysa, 24 May, 2015 (Himilo)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, ayaa fadhigii shalay ee golahaas horgeeyey Mooshin dhiirri-gelinaya Isticmaalka iyo kor-u-qaadista Qiimaha lacagta Shilinka Somaliland, kaas oo ay mudaneyaashu ku soo jeediyeen in meesha laga saaro isticmaalka lacagta Dollar ee ganacsatu wax ku iibiyaan.
Mooshinkan oo ka kooban Lix Qodob oo mudaneyaashu ku soo jeediyeen talooyin la xidhiidha sidii loola dagaalami lahaa Sicirka bararka maceeshada isla markaana looga hortagi lahaa saamayn ay lacagta Dollarku ku yeelatay nolosha bulshada, waxa nuxurka uu xambaarsan yahay mooshinkani warbaahinta u akhriyey Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan kaddib markii uu dhammaaday fadhiga shalay ee Golaha Wakiillada.
Mooshinkan, ayaaa u qornaa sidan: “Markaanu aragnay Xeerka Baanka Dhexe Qodobka 32 oo qeexaya halbeegga Lacaga Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland inuu yahay Shilinka Somaliland.
-Markaanu Aragnay Xeerka Maaliyadda ee dalka oo qeexaya adeegyada Lacagta Shilinka Somaliland.
-Markaanu tixgelinay dareenka dadka reer Somaliland, siiba Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada ee ku aaddan Culayska dhaqaale iyo nololeed ee uu ku hayo Sicir-bararka uu sababay kor-u-kaca Sarrifka Dollarka.
-Markaanu ogaannay in Somaliland tahay dalka kaliya ee ka mid ah dalalka mandaqadda Bariga iyo Geeska Afrika ee ganacsatadoodu adeegsadaan lacagta qalaad, sida Dollar-ka oo kale.
-Markaanu qiimeynay in adeegysiga lacagta ah ee Electroniga ahi ay qayb weyn ka tahay Qiimo-dhaca Shilinka Somaliland.
-Markaanu aragnay inay lama-huraan tahay in adeegsiga lacagta dalku fure u tahay dhibaatada qiime-dhaca iyo sababaynta Shilinka Somaliland.
Waxaanu garannay inaanu soo jeedinno Qodobbadan in lagu dhaqmo oo laga hirgeliyo
1. In Ganacsatada dalka lagu amro inay badeecadahooda ku iibiyaan Shilinka Somaliland.
2. In lacagta Elektarooniga ah sida Zaadka iyo E-dahabka loo adeegsado lacagta Shilinka Somaliland oo aan lays-barar wadin.
3. In lacagta Ku-shubashada telefoonada loo adeegsado Shilinka Somaliland.
4. In Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Maxalliga ah ee dalka ku sugani ay ku dhaqmaan adeegsiga lacagta Qaranka ee shilinka Somaliland.
5. In Xawaaladaha iyo dhammaan shirkadaha kala duwan ee bixiya adeegyada Lacagta ay tix-geliyaan oo ay ku bixiyaan lacagta Somaliland.
6. In Dhammaan Dugsiyada iyo Goobaha waxbarasho ee sida gaarka ah loo leeyahay ee laga qaado lacagta Dollarka ahna, waa inay ku dhaqmaan, bixiyaan ama ka qaadaan, lacagta Shilinka Somaliland.”
Kulan dhawaan dhexmaray Baanka Dhexe ee Somaliland, Wasaaradda Maaliyadda oo metelayey dhinaca xukuumadda iyo shirkadaha Is-gaadhsiinta dalka ee bixiya Adeegga lacagaha laysugu xawilo telefoonnada, ayaa layskula qaatay in lacagta Shilinka Somaliland loo adeegsado adeegyada E-Dahab iyo Zaad-ka iyadoo isticmaalka lacagta dollar-kuna sideedii tahay, haseyeeshee mooshinka loo gudbiyey golaha, ayaa lagu sheegay in meesha laga saaro lacagta Dollar ee loo adeegsado Xawilaadda lacagta Telefoonada.
Lama oga natiijada ka soo bixi doonta mooshinkan oo la filayo inuu maro qiimaynta Shir-guddoonka golaha Wakiillada iyadoo loo eegayo inuu buuxiyey isla markaana uu waafaqsan yahay shuruudaha loo baahan yahay Mooshinnada.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment