Hargeysa, 21 May, 2015 (Himilo)- Xukuumadda iyo Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland, ayaa shalay Isku soo hor-fadhiistay bilowga Shir muddada uu soconayo aan la cayimin oo xal loogu raadinayay khilaaf ka dhashay Muddo-kordhin 22-bilood ah oo Golaha Guurtidu u samaysay Xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda kaddib markii dib-u-dhac ku yimi Doorashooyin hore loogu qorsheeyey inay dalka ka qabsoomaan badhtamaha bisha June ee sannadkan.

Furitaankii Shirka
Shirkan oo ku qabsoomay Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, isla markaana uu shir-guddoominayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo metalayey Xukuuumadda, ayaa ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen, waxaanu socday muddo dhawr saacadood ah, iyadoo ay ka qayb-galay guddiyo ay Xisbiyada iyo Xukuumadda u wakiisheen inay xal midaysan ka soo saaraan khilaafka taagan.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo shirka furay, ayaa ka hor intii aan saxaafadda lagu war-gelin inay bannaanka uga baxaan shirka, waxa uu dar-daaran u jeediyey Masuuliyiinta Xisbiyada, gaar ahaan Mucaaradka, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waa shirkii aanu ku ballaanay ee aanu ku baaqnay haddaanu nahay xukuumadda ee ahaa in saddexda xisbi qaran ay ka wada-hadlaan, kana wada-tashadaan hawshii muddo-kordhinta Guurtidu samaysay. Waxaynu Isku odhanaynaa, waxa ina horyaalla waa dan qaran, maaha dan qof leeyahay, mar walbana waa inaynu danaheenna gaarka ah ka horreysiinnaa danta Qaranka oo aynu kaga wada-hadlaynaa wixii ina horyaalla,” ayuu yidhi Md Saylici, waxaanu intaas ku daray oo yidhi, “Wada-hadalka maalin qudha wax kuma dhammaadaan, muddadaas buu socon karnaa ma odhan karo, waayo waxa meesha fadhiya qaranka madaxdiisii weeyaan.”
Muuqaalkii Madashii Shirka
Goobta lagu qabtay shirka turxaan-bixinta khilaafka muddo-kordhinta oo ah Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa, ayaa hannaanka loo qaabeeyey kuraasta iyo miisas loogu talo-galay inay ku fadhiistaan Xubnaha Xisbiyada iyo Xukuumadda, ayaa loo dhigay qaab Afar Gees ah oo dhinac walba loogu talo-galay inay fadhiistaan guddiyada u metalayey dhinacyada siyaasadda, waxaana kuraasi iska horjeedda ku fadhiyey Guddiyada labada Xisbi Mucaarad, balse waxa faaruq ahaa isla markaana iska bannaanaa Kuraasidii ka soo horjeedday goobta ay fadhiyeen Xubnaha Xukuumadda iyo Xisbgeeda Kulmiye.
Marka laga yimaaddo in madaxweyne ku-xigeenku ahaa shir-guddoonka kulanka, isla markaana uu metelayey Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, waxa madasha ka maqnaa ergada beesha Caalamka oo hore u taageertay Shirka wada-tashi ee Xukuumaddu ku baaqday, kuwaas oo markii hore la qorsheeyey inay goob-joog ka ahaadaan isla markaana noqon lahaa kooxda Afraad. Haseyeeshee, wakiillada la qorsheeyey inay metalaan Beesha Caalamka, ayaa sababta baaqashadooda lagu sheegay kaddib markii xukuumaddu ku war-gelisay inaanay u baahnayn cid soo ala dhex-gasha isla markaana xalka khilaafka jira ay Somaliland gudaheeda ku dhammaysanayso.
Mowqifkii Guddoomiyeyaasha Xisbiga
Shirka dhexmaray Xukuumadda iyo Xisbiyada oo muddo dhowr saacadood ah socday, isla markaana ay saxaafaddu dib-joog ka ahayd, waxa markii uu dhammaaday warbaahinta si wada-jir ah ula hadlay Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran oo sheegay inay isku waafaqeen ajandaha shirka lagu gorfayn doono isla markaana ay ku heshiiyeen in maalinta Sabtida ee toddobaadka dambe la iskula soo noqdo si looga doodo mawduuca la xidhiidha muddo-kordhinta Golaha Guurtida ee khilaafku ka dhashay.
Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey waxyaabaha laysku af-gartay, ayaa yidhi, “Waxaanu bilownay shirkii saddexda Xisbi qaran kaga wada-hadlayeen dib-u-dhaca doorashooyinka. markaanu dhinac walba ka eegnay, waxaanu ku heshiinnay Ajandihii shirka iyo sidii aanu u guda-gali lahayn. Waxaanu ku heshiinnay in arrintaas ay qolaba dhinac iska taagtay ee dib-u-dhaca doorashooyinka aanu helno xal siyaasi ah oo saddexda xisbiba ku qancaan. Waxaanu isla qaadannay Khamiista (maanta) iyo Jimcaha (Berri) ay qolo waliba isku noqoto, Sabtida-na aanu furanno dooddii ahayd arrintan sideen uga baxnaa iyo sidii aynu innagu arrintaa dhammayno oo xal u helno gudaheenna.”
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay sababaha keenay shirka wada-tashi iyo saamaynta khilaafka siyaasadeed ku keenay Somaliland, waxaanu yidhi, “Arrintan aanu maanta (shalay) u fadhiisannay waxay ahayd arrin adag, waa arrintaas markii u horeysay intaynu jiray gaadhay Golaha Ammaanka oo laga sheegay, waliba waxa ku faannay Nicholas Kay oo yidhi waxaan ku booriyey inay wada-hadal furaan. Waxaan sheegayaa, isagu nagumuu boorrin ee annagaa keennay arrintan.”
Guddoomiyaha UCID waxa uu muujiyey aragti uu kaga duwan yahay labada xisbi ee Waddani iyo Kulmiye, taas oo ku aaddan natiijada uu ka filayo shirka wada-tashi, waxaanu yidhi, “Ta kale, haddaanu UCID nahay, labadan Xisbi ee kale waa loo kordhiyey oo labada nin eenu la fadhinnay waa loo kordhiyey oo daafacaya mowqifkoodii, xisbiga qudha een loo kordhin waa annaga, arrinta waa in sidaa loo kala gartaa. Sidaa awgeed, waxaanu garannay inaanu samayno sidii caadada inoo ahayn.”
“Sharcigii iyo dastuurkii jeebkaynu gashannay oo baryahanba kuma shaqayno, haddii sharciga lagu soconayo, wax badan sidan may ahaayeen, markaa inaynu xal doono oo aynu raacno Xeer jajabkeennii iyo dalkii oo aynu u tudhaynay. Insha Allahu tacaalaa, sidii caadada inoo ahaan jirtay, Sabtida inaanu soo saari doono wax umadda ka farxiya, cadowgana ka nixiya.” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo isaguna ka hadlay qodobbada laysku af-gartay, waxa uu yidhi, “Markii aanu isu nimi waxaanu ka doodnay, waxa laga wada-hadlayo oo ah khilaafka ka dhashay go’aanka muddo-kordhinta ee golaha Guurtida Somaliland. Axsaabtu meelo kala duwan bay joogeen, laakiin waxaanu isla garannay in xal siyaasi ah la doono, Axsaabtuna waxay ku noqon doonaa masuuliyiintii iyo Ciddii ka dambaysay, Sabti-dana laysku soo noqdo oo xal siyaasi ah loo raadiyo arrintan khilaafka ee ka dhashay muddo-kordhinta.”
Ergooyinka Shirka ka Qayb-galay
Shirka wada-tashi ee xalka loogu raadinayo khilaafka muddo-kordhinta ka dhashay, waxa dhinac walba uga qayb-galay afar xubnood oo metalayey xisbiyada. Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye waxa uga qayb-galay oo shirka u metalayey Madaxweyne ku-xigeenka Somaliand Md Cabdiraxmaan Saylici, guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye ku-xigeenka Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Baashe Maxamed Faarax.
Xisbiga UCID waxa uga qayb-galay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye ku-xigeenka 3aad Cali Maxamed Yuusuf, Murashaxa Madaxweyne ku-xigeenka Cabdirashiid Cali Mataan iyo Ku-xigeenka Xoghaya Guud Xisbiga Cabdinaasir Yuusuf Qodax. Halka Xisbiga dhiggiisa ah ee Waddani ay goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Axmed Muumin Seed, Xoghayaha Guud Maxamed Cabdilaahi Uur-cade iyo Xoghaya Siyaasadda Maxamuud Raage Ibraahim.
Gunaanad
Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo aanay wax natiijo ahi ka soo bixin shirka hordhaca ah ee shalay dhexmaray dhinacyada isku haysta siyaasadda dalka, marka laga reebo in laysla qaatay Ajandaha shirku xambaarsan yahay isla markaana ay masuuliyiintu rejo fiican ka muujiyeen natiijada shirka, haddana waxa ay labada dhinac maalinta Sabtida ah isku soo horfadhiisan doonaan iyagoo mid waliba aaminsan yahay dooddooda ku aaddan sharcinnimada go’aanka golaha Guurtida.
Guddoomiyeyaasha labada Xisbi Mucaarad, ayaa iyagu ku dooday inaanu sharci ahayn Go’aanka muddo-kordhinta ee xukuumadda iyo Golaha Wakiillada loogu kordhiyey muddo-xileedkooda, halka xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye aaminsan yahay in go’aankaasi yahay mid sharci ah oo ka soo baxay Gole Qaran oo Dastuurku u waajibiyey tallaabada ay qaadeen.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment