Wednesday, May 20, 2015

Dawladda Millateriga ah ee Masar oo inay Tacaddiyo fawaaxish ah kula kaceen dad arrimo Siyaasadeed ugu xidhan

Masar, 20 May, 2015 (Himilo)- Ciidammada Ammaanka dalka Masar, ayaa lagu eedeeyey inay si badheedh ah tacaddiyo galmo ugula kacaan dadka la soo xidho, sida lagu sheegtay Warbixin ay soo saartay Hay'ad fadhigeedu yahay magaalada Paris ee Caasimadda Faransiiska, taasoo lagu magacaabo International Federation for Human Rights (FIDH).
TACADDIYADA BOOLISKA MASARWarbixinta ayaa sheegeysa in tacaddiyada dhanka galmada ahi ay kordheen tan iyo markii Millateriga dalkaasi uu xilka la wareegay bishii July sannadkii 2013-kii, markaas oo ay Millaterigu talada ka tuureen Maamulka Madaxweynihii la doortay ee Masar Maxamed Mursi. Warbixintu waxay intaasi ku dartay in dadka tacaddiyadan geysanaya ay ku naalloonayaan ujeeddo siyaasadeed oo looga gol-leeyahay in lagu cabbudhiyo dhammaan Mucaaradka.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha gudaha dalka Masar, ayaa sheegay in aanu ka hadli karin Warbixintaas tan iyo inta ay ka darsayaan xogta dhabta ah ee ay Warbixintu xambaarsan tahay. Warbixinta waxaa ka mid ah waxyaabo laga naxo. Waxay sheegeysaa in Booliska, Sirdoonka, iyo Xubno ka tirsan Millateriga Masar in ay dembiyo geystaan, oo ay ka mid tahay kufsi, tijiibo xoog ah oo Dumarka lagu sameeyo iyo kufsi wadareedyo.
Dhibbanayaasha, oo Rag iyo Dumarba isugu jira waxaa ka mid ah Ardeydii dibedbaxayada samaynayay markii Millaterigu xilka ka tuuray Madaxweynihii hore, dadka Xuquuqda Aadamaha u ololeeya iyo weliba Carruur aan qaan-gaadhin oo iyagana la xidhay.
Arrintan ayay Hay'addu ku sheegeysaa in looga golleeyayahay in laga joojiyo isu soo baxyada ka dhanka ah Maamulka Millateriga iyo cambaaraynta dadka Xuquuqda Aadamaha u dhaqdhaqaaqaa kaga hadlaan tallaabooyinka xad-gudubka ah ee Millaterigu ku kacaan, iyada oo dadka dembigaasi geystana aan lala xisaabtamin, muuqanna in wakhtigan lala xisaabtami karo.
Hay'adda International Federation for Human Rights (FIDH) ee Warbixintan qortay, waxa ay sheegtay inaanay caddeyn karin in Taliyayaasha ay Amarka bixiyaan, laakiin xaddiga xad-gudubka iyo isla xisaabtan la'aantu ay muujinayaan in istiraatiijiyad siyaasadeed oo tacaddiyadan laga leeyahay ay jirto, sida ay Hay'addu ku warrameyso.
Katherine Booth oo ah Agaasimaha qaybta u doodda Xuquuqda Haweenka ee hay'addan International Federation for Human Rights (FIDH), ayaa BBC-da u sheegtay in Maamulka Millateriga ah ee Masar ay si weyn u geystaan xad-gudubyada galmada lagula kaco Haweenka.
Waxaa jira sheegashooyiin ah in dadka qaarkood oo dacwooday ay si nidaamsan u hor-istaageen laamaha caddaaladda dawladda Masar, isla markaana ay wajahaan hanjabaado iyo aargoosi ay kala kulmaan Booliska iyo ilaalada Xabsiyada waddanka Masar ee ay ku xidhan yihiin.

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment