Hargeysa, 28 May, 2015 (Himilo)- Guddi-hoosaadka Ilaalinta iyo Daba-galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa shalay magaalada Hargeysa kulan xog-waraysi ah la yeeshay Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera Saleebaan Siciid Cali oo guddigu ka dalbadeen inuu horyimaaddo si wax looga weydiiyey hawlaha ay qabato hay’addiisu.
Kulanka Guddigu la yeesheen Maareeyaha oo warbaahintu debed-joog ka ahayd, waxa arrimihii laga wada-hadlay iyo natiijada kulankoodu kusoo dhammaaday warbaahinta u sharraxay Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo maareeyaha ku ammaanay wax-qabadkiisa iyo inuu si deg-deg ah uga soo jawaabay codsi ay ugu yeedheen Salaasadii dorraad isaga oo ku sugan magaalada Berbera.
“Maanta waxa halkan (Hargeysa) noogu yimi Maareeyaha Haamaha Shidaalka oo Berbera ka yimi. Aad iyo aad ayaanu ugaga mahad-naqaynaa safarkaas dheer uu soo galay Guddiga oo shalay (dorraad) ka codsatay inuu yimaaddo, maanta (shalay) uu noo yimi.
Waanu kulannay, su’aalihii aanu weydiinayna wuu ka jawaabay, kulamo kale iyo booqasho uu nagu casuumay xafiiskiisana waanu gudan doonnaa. Waxa muhiim ah inaanu guddi ahaan ku faraxsannahay imaatinkaas uu noo yimi. Waxa kale oo muhiim ah kaddib markaanu eegnay warbixintoodii, kaddib markaanu eegnay warbixintii aanu haynayo, kaddib markaanu eegnay oo aanay wax badan ka ogayn shirkaddii Total ee hore gacanta ugu hayn jirtay haamaha, in hay’addani ay horumar badan gaadhay, hadday noqoto xerada oo la dhisay iyo hadday noqoto shaqaale badan oo maanta ka hawl-gala iyo lacago fara-badan oo u soo xerooda oo Qasnadda dowladda ku dhacda,” ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cali.
Isaga oo xildhibaanku hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Intaas oo dhan markaanu eegnay, waxay annaga nala tahay in laga raystay shirkaddii TOTAL. Warbixinta faahfaahinteeda wakhtigeeda ayaanu la sugi doonaa, laakiin hordhaca aanu halkan ka qaddimaynaa waxa weeyi inaanu guul fara-badan ka aragnay wax-qabadkooda.”
Sidoo kale, Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka Saleebaan Siciid Cali, ayaa uga mahad-celiyey Guddiga kulankooda oo uu ku tilmaamay mid ku dhiirrigelinaya gudashada waajibaadka Qaran ee saaran. “Waan u mahadnaqayaa Guddoomiyaha Guddiga daba-galka Hantida Qaranka yeedhmada ay noo yeedheen oo waajibaadkoodii ah. Waxa annagana guul noo ah inaanu ka soo baxno hantida aanu Qaranka u hayno. Tanina waxay nagu dhiirrigelinaysaa inaanu shaqo qabanno, hantidana ilaalinno,” Sidaas ayuu yidhi Maareeye Saleebaan Siciid Cali.
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment