Wednesday, October 21, 2015

Dacwad ka dhan ah Xukuumadda Siilaanyo oo Golaha Wakiilladu u gudbinayo Maxkamadda Sare iyo ujeeddada Fadhi deg-deg ah oo Xildhibaanno dalbadeen

Hargeysa, 21 October, 2015-(Himilo)- Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah u gudbinaya Go’aankii Gole-weynaha Wakiilladu ku diidday Heshiiskii Xukuumaddu la gashay lixda Shikadood ee toddobaadkan lagu wareejiyey Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera.

 
Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada ayaa doonaya in Maxkamadda sare soo saarto go’aan Xukuumadda ku qasbaya inay ku dhaqanto go’aamada ka soo fula Baarlamaanka, Maadaama Xukuumaddu iska dhago marisay diidmada Wakiillada isla-markaana Wareejisay Haamaha Kaydka Shidaalka.

 
Guddoomiyaha Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Ibraahim Mahdi Buubaa, oo Shalay la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa yidhi; “Waxaanu Maxkamadda sare ee Dastuuriga ah u gudbinaynaa (Go’aankii Golaha Wakiilladu ku diidday Wareejinta Haamaha), si iyaduna Go’aankaa mid la mid ah oo ay ku adkaynayso ilaalinta Qawaaniinta dalka u soo saarto.”
Buubaa oo sii hadlay ayaa yidhi; “Xukuumaddu hadday sifihii dawladnimo u dhaqmi waydo waxay mudan doontaa in ummaddu ka hor timaaddo oo la iska hor istaago damaceeda khiyaaliga ku dhisan ee aan Sharciga iyo Qawaaniinta waafaqsanayn.” Buubaa waxa uu intaas ku daray inay u Guddi ahaan u yeedhayaan Wasiirrada Xukuumadda oo ku lugta leh Wareejinta Haamaha.

 
Geesta kale, Qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland oo joogay Munaasibad qado-sharaf ahayd oo Xukuumaddu diidday in Musharraxiinta Kulmiye ee kala ah Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maxamed Biixi Yoonis iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) ku qabsadaan Huteelka Maansoor, ka dib markii ay Ciidan dul dhigtay ayaa Shir-guddoonkooda ka dalbaday in Golaha la iskugu yeedho fadhi aan caadi ahayn.

 
Sidaana waxay ku sheegeen qoraalka ay Shir-guddoonka u gudbiyeen oo Warbaahintu heshay, kaas oo sidoo kale lagu caddeeyay in loo baahan yahay in Golaha Wakiilladu uu ciddii bixisay amarkii Musharraxiinta KULMIYE loogu diidday inay ku shiraan huteelka Maansoor ayaa u dhignaa sidan:-
“Ku: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.
Og: Mudanayaasha Golaha Wakiillada.
Ujeeddo:SOO JEEDIN ku saabsan Kalfadhi aan caadi ahayn
Annagoo ah mudanayaasha Golaha Wakiilada ee soo jeedintan saxeexay waxaan Golaha Wakiilada halkan ugu soo gudbinaynaa soo jeedintii qoraalkayagan ciwaanka u ah sababahan soo socda.
Markaan aragnay Qodobka 43aad ee Dastuurka oo ka hadlaya kalfadhiyada Golaha Wakiilada gaar ahaan faqrada 2aad xarafkiisa J ee qodobkan oo awood u siinaya in tiro xildhibaano gaadhaya 1/3 (saddex-meelood, meel) tirada xubnaha Golaha Wakiilada oo noqonaysa 27 Mudane ay qoraal ku dalban karaan in la isagu Yeedho kalfadhi aan caadi ahayn.

 
Waxay Mudanayaashan ku sababaynayaan baahida keentay in kalfadhi aan caadi ahayn la qabto sababahan soo socda: Arintii ka dhacday 17 Octobar 2015 Maansoor Hotel ee ciidamada Poliska Soomaliland ku amreen Masuuliyiinta Maansoor hotel in ay joojiyaan qado iyo shirar ay ku lahaayeen Masuuliyiin heer qaran ah oo ka koobnaa, Xubno ka tirsan Shirgudoonka iyo Xildhibaano Golaha wakiilada ka mida ,Wasiiro iyo Wasiiro ku xigeeno.

 
Iyadoo Masuuliyiinta Huteelka lagu amray in ay joojiyaan Qadadaas iyo Kulankaasba una cadeeyeen in aanay ciidan ahaan aanay ka masuul ahayn Nabadgelyada Huteelka haddii aanay joojin Xafladaas iyo Qadadaas ay masuuliyiintu ay ku lahaayeen Huteelka.

 
Haddaba Markaanu Aragnay:- Qodobka 8aad Farqadiisa 1aad Taasoo Tilmaamaysa Sinnaanta Muwaadiniinta. Qodobka 11aad Ee Dastuurka kaasoo tilmaamaya Kobcinta wax soosaarka, Kor u qaadida heerka Nolosha, Abuurida goobo shaqo, iyo guudahaan horumarinta dhaqaalaha dalka.
Qodobka 39aad ee dastuurka Qaranka oo Tilmaamaya in Xildhibaanada Golaha wakiiladu yihiin Xubnaha ka wakiil ah Dadwaynaha; iyo Ilaalinta Siyaasada guud ee Hogaaminta Dalka. Qodobka 49aad ee Dastuurka kaasoo tilmaamaaya Dhawrsanaanta iyo Xasaanada Xildhibaanada Golaha Wakiilada.

 
Qodobka 93aad kaasoo inoo tilmaamaya in Golayaasha Baarlamaanku ay leeyihiin Hab-Maamuska koowaad iyo ka labaad ee qaranka. Qodobka 94aad Farqadiisa 8aad taasoo tilmaamaysa dhawrsanaanta Wasiirada iyo Wasiira ku xigeenada jamuhuuriyada Somaliland.
Qodobka 22aad Farqadiisa 1aad oo Tilmaamaysa Xuquuqda Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Bulsho ee uu Muwaadinku xaq u leeyahay. Qodobka 23aad 1aad oo tilmaamaysa Xorriyada Dhaqdhaqaaqa iyo Is abaabulka Muwaadinak. Hadadaba Markay noo cadaatay:- In Laba Huteel oo Madaxda qaranka ugu saraysa ay xaflado ku lahaayeen Mid laga joojiyey Midna loo fasaxay taasoo burinyas sinaanshihii uu dastuurka qaranku inoo tilmaamay.

 
In Muwaadin Cashuur bixiya ah sifo qaldan la iskaga hortaagay Xuquuq asaasiya oo distoorku siiyey. In Karaamadaii iyo Xasaanadii ay lahaayeen Shirgudoonka, Xildhibaanada Golaha wakiilada, Wasiirada iyo Wasiira ku xigeenada Jamuhuuriyada Somaliland meel lagaga dhacay. In la jabiyey dhamaan qodobada Tilmaamaamaya Xuquuqda iyo Xorriyada Muwaadinka Reer Somaliland ee uu tilmaamaayo Dastuurka Somaliland.

 
Waxaan soo jeedinaynaa in :- Golaha la iskugu Yeedho Kalfadhi aan caadi ahayn. Golaha la hor keeno cidii ka dambaysay amarka ka hor imanaaya Dastuurka qaranka, Xoriyada Asaasiga ah ee Muwaadinka iyo dhawrsanaanta Madaxda qaranka si Golahu Go’aamo uga Gaadho.”

 

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment