Sunday, October 18, 2015

Xukuumadda oo Maanta Si Qarsoodi ah Shirkado Gaar ah ugu wareejinaysa Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka Somaliland ee Berbera

Qaab noocee ah ayey Maanta Xukuumaddu u wareejinaysaa Maamulka iyo Gacan-ku-haynta Haamaha Kaydka Shidaalka?
Berbera, 18 October, 2015-(Himilo)- Xukuumadda talada haysa ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, ayaa Axadda Maanta wareejinaysa Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka Somaliland ee magaalada Berbera, kuwaasoo wareejintoodu muran badan iyo dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo dad kala geddisan Xukuumaddu ku xidh-xidhay ka dhasheen.
Heshiiska ay Xukuumadda Somaliland bishii hore la gashay Shan Shirkadood oo Waddani ah oo ka tirsan kuwa Shidaalka keena dalka, waxa 30-kii August ee sannadkan laalay Golaha Wakiillada Somaliland, isagoon heshiiskaas la soo hordhin, isla markaana uu Madaxweynuhu ku soo celiyey Golaha Wakiillada, oo uu Guddoomiyaha Golahaasi dib isna ugu celiyey.
Hase-yeeshee, Xukuumaddu halkaas kagamay hadhin heshiiskaas, balse waxay bilawday olole kale oo ay ka bilawday magaalada Berbera, kaasoo ay Weriyeyaal iyo dad kale oo Odayaal ku jiraan dhaqdhaqaaqyada wareejinta Haamaha dartood Xabsiga u dhigtay, waloow markii dambe xorriyaddooda loo soo celiyey.
Ila-wareedyo Xog-ogaal u ah dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyey ee ay Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera u xil-saartay oo Wargeyska Himilo ka kala helay Hargeysa iyo Berbera, ayaa xaqiijiyey in Axadda Berri la go’aamiyey in si hoos ahaan ah loogu wareejiyo Haamaha Shirkadaha Heshiiska ay Xukuumaddu la gashay.
Waxay ila-wareedyada Wargeyska Himilo ka soo xigtay xogta warkan intaas ku dareen, in haddii Allaah yidhaahdo Axadda Maanta xarunta Haamaha Kaydka Shidaalka ee magaalada Berbera dhexdeeda si buuxda ay Maamulka iyo Gacan-ku-haynta Haamaha ugula kala wareegi doonaan Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan oo iyagu wareejinaya iyo Masuuliyiinta Shirkadaha Heshiiska qarsoodiga ah hore Xukuumaddu ula gashay oo isugu tegi doona goobtaas, sida ay xaqiijiyeen ila-wareedyada Himilo soo xigtay.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Muuse Qaasim Yuusuf oo si aannu warkan wax uga weydiinno Wargeyska Himilo Weriyeyaal ka tirsani xalay ka waceen Taleefankiisa gacanta, ayaanay noo suuragelin inaannu dhiniciisa wax war ah ka helno, ka dib markii uu naga qaban waayey Taleefankiisa Gacanta oo marar kala duwan aannu ka wacnay. Balse, waxa la sheegay in Masuuliyiinta Xukuumadda ka tirsan oo uu ka mid yahay hawshaa wareejinta fulinayaan Axadda Maanta.
Hase-yeeshee, Golaha Wakiillada, oo uu heshiiska Haamaha ee Xukuumaddu gashay xasarad ka dhex-dheliyey, ayaa aqlabiyad ku laalay heshiiskaas, isla markaana sheegay inuu yahay sharci-darro, sidoo kalena ku dooday in danta dalka iyo dadka midna aanu ku jirin in cid gaar ah oo la naas-nuujinayo lagu wareejiyo Maamulka iyo gacan-ku-haynta Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka Somaliland ee magaalada Berbera, iyaga oo Mudanayaashu xusay in ay Shuruucda dalka u degsan ka soo horjeeddo sida loo wareejinayo iyo cidda gaarka ah ee lagu wareejinayaaba.
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment