Masuuliyiin iyo Musharrixiinta KULMIYE oo raalli-gelin iyo Xaal ka bixiyey qadafka lagula kacay Wasiir Ku-xigeenka
“Wuxuu igu yidhi (Muuse Biixi) ILLAAHAY-ba wax wanaagsan idiinma abuurin qoladiina (Tumaale)..” Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud
Hargeysa, 18 October, 2015-(Himilo)- Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha guud, guryeynta iyo gaadiidka Somaliland Cali Cabdi Saa’iq, ayaa cabasho xoogle ka muujiyey hadal gef ku ah shaqsiyaddiisa iyo Beeshiisa Tumaale oo uu sheegay inuu ula badheedhay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.
Wasiir Ku-xigeen Cali Cabdi Saa’iq oo ka mid ah Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo shalay ka hadlayey Munaasibad aqlabiyadda Guddida Fulinta iyo Musharraxiinta la loollamaya Guddoomiyaha KULMIYE ku qabteen Hargeysa, ayaa isaga oo ilmaynaya sheegay in Muuse Biixi uu Nasabaddiisa awgeed u aflagaaddeeyay, isla markaana uu Beeshiisa ku sifeeyay kuwo aanu ILLAAHAY u abuurin wax wanaagsan.
Inkasta oo aanu Cali Cabdi Saa’iq Xafladda uu ka hadlayey ku Carrabaa’bin Magaca qofka uu sheegayo inuu Nasabaddiisa wax ka sheegay haddana Wasiir Ku-xigeenka oo Xalay uu Wargeyska Himilo kula xidhiidhay Khadka Telefoonka, ayaa xaqiijiyey in qofka uu Xafladda ka sheegay ee duray Shaqsiyaddiisa iyo ta beelaha Tumaale uu yahay Guddoomiye Muuse Biixi.
Wasiir Ku-xigeenka Hawaha guud, ayaa isaga oo Shalay taagan Masraxa Huteel Guuleed, isla markaana ka murugaysan Weedha uu Muuse Biixi ka tirsanayo ayuu Ashahaatay, waxaanu yidhi; “Hortiina ayaan ku Ashahaadanayaa ‘Ashahaddu an laa’illaaha ila laahu, wa ashahaddu anna Muxamedu Rasuullulaah.” Saa’iq oo ilmada ka tiraya indhihiisa, waxa uu intaa ku daray oo uu faahfaahiyey waxa ku kallifay inuu bulshada horteeda ku Ashahaato, waxaanu yidhi; “Waxa igu kalifay inaan hortiina ku Ashahaato nin baa doraad subaxdii i su’aalay waar shirkii KULMIYE ee cusbaa ee aad samayseen maxaa lagaa dhigay adiga ?. Wax wanaagsan baa la iga dhigay baan ku idhi, dabadeedna wuxuu igu yidhi ILLAAHAY-ba wax wanaagsan idiinma abuurin qoladiina (Tumaale ).”
Cali Cabdi Saa’iq ayaa markaa ka dib u dhaqaaqay Masraxa qaybtiisa bannaan ee qofka dhammaantii ay arki karaan dadka soo hor-fadhiyaa waxaanu Masuuliyiintii Xafladda joogay waydiiyey su’aal u dhacday sidan; “Ma caadi baan ahay, miyaan idinka duwanahay” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu sheegay oo yidhi; “Waar Ummadda Nebi Muxamed (SCW) ayaan ku abtirsadaa, laakiin wuxuu ninkaasi iin iiga dhigay TUMAAL baad tahay. Laakiin, ILLAAHAY baa u jawaabi qofka sidaa yidhi.”
Dhacdadaas uu Wasiir Ku-xigeenka hawlaha guud ka warramay oo si weyn looga xumaaday, isla markaana ka qiiroodeen dadkii Madashaas fadhiyey, waxaa xaal iyo raalli-gelin ka bixiyey Xubno kala duwan oo halkaas ka hadlay oo ay ka mid ahaayeen Musharrixiinta Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis, Musharrax Cabdicasiis Maxamed Samaale, Wasiir Ku-xigeenka arrimaha dibedda Axmed-Kayse, Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Axmed Jaambiir Suldaan, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin (C/Raxmaan-dheere), Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, iyagoo muujiyey inay aad iyo aad uga xun yihiin, isla markaana xaal iyo raalli-gelin ka bixinayaan gefkaas lagula kacay Wasiir Ku-xigeenka Hawlaha.
Wasiir Ku-xigeenka Hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq, ayaa intaa ka dib amaanay dadka reer Somaliland, waxaanu akhriyey Maanso duco ah waxayna u dhacday sidan:-
“Acuudi billaahi
Bilooy naga baydh
Bilowgeeda Xaajada
Bismillaahi waa kow
Bishimaha Afkaygiyo
Wadnahayga bidixiyo
Beerkiyo halbowlaha
Waxaan boqolkiiba boqol
Salaan badan oo ballaadhan
Hawada uga baaqayaa
Beelaha Somaliland
Waxaan Rabbi uga baryaa
Bishii dhalataba bil khayr
Adduunka badhaadhiyo
Barwaaqiyo nabad ku jooga
ILLAAHAY boggeenana
Burcad ha isku Mariyee
Cadceeddii soo baxdaba
Bariido wanaagsaniyo
Bogaadin kalgacal ku dheehan
Allahayow beri samaad
Allow belo naga xijaaban
Allow Cirka Baaxaddiisa
Allow badda iyo berriga
Allow buuraha Curkuus
Waxa dhulka geedo buuxa
Xayawaanka Arlada ku baahsan
Inta baal ku duushiyo
Bog intii ku socotiyo
Baabaco intii roorta
Boqorkii Abuurow
Rabbiga garashada baxshee
Caqliga nagu beerayow
Allahayow Baaxaddaada
Sirtaadaan kugu baryee
Rabbow Baahidaan qabo
Adaan kuu soo bandhigay
Bulshadayda walaalnimo
Waxaan ugu baaqay nabad
Hadday boholyow jacayl
Talada isku biirsadaan
Allahayow barakadaada
Faqriga kaga baxaan.”
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment