Sunday, October 18, 2015

Fashilaaddii Saylici ee Ciidammo Adeegsiga, Fallaadhihii Isbahaysiga Aqlabiyadda Guddiga Fulinta iyo Musharrixiinta KULMIYE iyo Faylasha Sharci ay Faaqideen

“Aniga iyo Musharrixiinta halkan fadhidaa waxaannu u baahannahay tartan xalaal ah, waanu dhacayaa, cid iska kaaya hor-taagi kartaana ma jirto. Nabad baannu u baahannay aniga iyo asxaabtayduba, Colaad dambe iyo qax dambe uma baahnin, oggolaanna mayno in nin maroorsado oo uu ku hanjabo oo uu yidhaahdo waxbaan dilayaa..” Wasiir Musharrax Maxamed Biixi
“Waa markii u horreysay ee dawladda Somaliland ee Xisbiga KULMIYE Golihiisa Wasiirrada, Golayaasha Qaranka, dawladda oo isku-duubani ay isku adeegsato RRU..” “Xaqiiqda horta maanta jirtaa ee Hoggaanka inna xukumayaa wax u wadaan waakaas, waa Hoggaan ahaan, waa Saylici ahaan, waa Ku-simaha Madaxweynaha maanta waa ninka fikirka caynkaas ah qaba...” Cabdiraxmaan Talyanle
“Nin London jooga ama nin dibedda jooga oo la leeyahay nin kale ayaa ka wakiil ah Xubin Golaha dhexe ah hadda ka hor maannaan maqal iyo Hanadaad kale oo la leeyahay Wixii shaqaale dawladeed ah ee Musharrixiinta (isbahaystay) raaca shaqada waa laga eryayaa…” Sahra-Bisbaaso
Hargeysa, 18 October, 2015-(Himilo)- Isbahaysiga Musharraxiinta iyo Aqlabiyadda Guddiga Fulinta Xisbil-xaakimka KULMIYE, ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ahna Ku-simaha Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo adeegsanaya Ciidanka gaarka u tabobbaran ee Booliska ee RRU-da loo yaqaanno waxa uu ka hor-istaagay Munaasibad Qado ah oo ay ku qabsan lahaayeen Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, ka dib markii ay Ciidanku la wareegeen ammaanka Huteelkaas, isla markaana qabsadeen oo ay meesha ka qaadeen Askartii ilaalada ka ahayd Huteelka.
Hase-yeeshee, kumay guulaysan Saylici oo ka mid ah Garabka Guddoomiyaha KULMIYE Musharrax Muuse Biixi Cabdi Hoggaamiyaa inay hakiyaan Xafladdaas, ka dib markii ay si caadi ah ugu qabsoontay isla Sabtidii shalay Huteel Guuleed ee magaalada Hargeysa. Waxaana Xafladdaas ka qaybgalay Musharrixiinta u taagan jagada Madaxweynaha KULMIYE ee kala ah Wasiirka arrimaha dibedda Musharrax Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale, sidoo kale, waxaa ka qaybgalay, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada, Guddoomiye Ku-xigeennada labaad iyo saddexaad ee KULMIYE, Wasiirro, Wasiir Ku-xigeenno, Xildhibaanno, Masuuliyiin dawladeed, Salaaddiin, Cuqaal iyo Boqorro uu hoggaaminayey Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Agaasimayaal, Maareeyayaal, Siyaasiyiin, Wasiirro hore, Xubnaha Aqlabiyadda Guddiga Fulinta iyo Golaha dhexe ee KULMIYE, Taageerayaal iyo Marti-sharaf kale.
Munaasibaddaas oo Masuuliyiinta kala duwan oo badani ka hadleen, ayey ujeeddadeedu ahayd mid la doonayo in lagu iftiimiyo, isla markaana lagaga tashado qaabka ay u socdaan hawlaha diyaarinta Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE oo u muddaysan tobanka bisha November ee soo socota, waxaana halkaas laga cambaareeyey culayska iyo ciidammada uu Ku-simaha Madaxweynuhu kula kacay Garabka Isbahaysiga Aqlabiyadda Guddiga Fulinta iyo Musharrixiinta KULMIYE, isla markaana uu Garabka Guddoomiyaha la safto.
Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga KULMIYE ahna Mudane ka tirtsan Golaha Wakiillada Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle oo ugu horreyn Xafladdaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer u faahfaahiyey ujeeddada kulankan, dhacdooyinka toddobaadyadii u dambeeyey socday ee dhinacyada KULMIYE, sida uu Madaxweyne Ku-xigeenka oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka afraad ee KULMIYE, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici u caddaystay cabbudhinta, cago-juglaynta, dhinac la safashada iyo Ciidan u adeegsiga intii badnayd Xisbiga talada haya ee KULMIYE.
“Shirar badan oo shirar-doceedyo ah oo beelaysan oo qabiilooyin ah, ayaa maalmahanba lagu tiraabayey, kani waa ka duwan yahay, in Somaliland, Xisbiga KULMIYE wax-garadkiisa iyo Odayaashiisa inaannu u warranno oo aan laga aammusnaan wadciga dalku marayo. Haddaan ahay xubin ka tirsan hoggaanka Xisbiga KULMIYE lix xubnood baannu nahay, waxaa Guddoomiye noo ah Walaalkay, Saaxiibkay Muuse Biixi, oo siddeed sannadood aannu ku wada-jirnay, run ahaantii waxay ahayd isagoo na hoggaaminaya inaannu jewi aad u deggan oo saaxad wanaagsan oo Xisbinnimo iyo kalgacalba leh u abuurno musharrixiinta baratamaysa si wanaagsan in nin waliba nasiibkiisa ka qaado, ayaan-darro may dhicin.” Sidaa ayuu yidhi Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle.
Talyanle waxa uu sheegay inaanay sannad iyo dheeraad shir yeelan Hoggaanka KULMIYE oo dhami, waxaanu yidhi; “Guddigaa hoggaanka ah ee Xisbiga KULMIYE shir uu yeesho annagoo isku dhan waxaa u dambaysay Febraury 2014, sannad iyo siddeed bilood baa ka dambeeyey, haddii aan is-dembi tiro maalin aannaan khayr badan la kala tegin oo Guriga Madaxweyne Ku-xigeenka aannu ku shirnay ayaa ka dambaysay, waxaan uga jeedaa, haddaad aragto laba murmaysa waxa la yidhi Ballankoodii horaa xumaa. Is-afgarasho la’aanta hoggaamin la’aaneed ee meesha ka muuqata Masuuliyaddeeda waxaa iska leh hoggaanka Xisbiga, inuu Hoggaanka Xisbigu shiro oo uu u yeedho Guddiga Fulinta, oo Guddigu hawl-maalmeedkeeda fuliso oo waajibaadkeeda qabsato may suuragelin, marnaba Guddoomiyaha Xisbiga kamay suuragelin inuu la yimaaddo karti hoggaamineed oo uu isugu yeedhayo, Xisbigana isku wadayo, dadkana ku midaynayo, damaciisa iyo Musharraxnimadiisuna waa mid uu xaq u leeyahay oo uu markaa iska dhex-sharraxo Xisbigii oo midaysan, Xisbigii Garab buu ka haystaa, taasina waxay keentay jaho-wareerka maanta Xisbiga KULMIYE ka dhex-taagan.”
“Toddobaadkii inna dhaafay Marxaladihii ugu dambeeyey ee Siyaasadda soo jireenka ah ee Xisbiga KULMIYE halka ay marayso in runta la idiin sheego oo aannu idin hor-keenno xaq baad noogu leedihiin, sababta oo ah idinkaa na doortay, kuwii laga qarin lahaa ma tihidin ee kuwii lala tashan lahaa baad tihiin.” Sidaa ayuu yidhi Talyanle, waxaanu ka sheekeeyey in ay Arbacadii inna dhaaftay u tageen Madaxweyne Ku-xigeenka oo ay uga cawdeen wakhtiga loo qabtay kaadhadhka Xubnaha Golaha dhexe oo aan laga wada-tashan ee ay Idaacadda uun ka maqleen, sidaas awgeedna u tageen Saylici maaddaama oo uu yahay Guddoomiye Ku-xigeenka afraad ee KULMIYE, sidoo kalena yahay Ku-simaha Madaxweynaha. Laba qodobna ay ula tageen oo ahaa in Hoggaanka Xisbigu shiro iyo in arrinta Madaxweynaha lala sugo, isla markaana cabashadooda wax laga qabto, taasoo uu aqbalay oo uu u sheegay inuu joojinayo sida uu hadalka u dhigay Xildhibaan Talyanle.
Waxa uu sheegay in isagoo Madaxweyne Ku-xigeenku qaabkii ballantu ahayd wax ka beddelay markii ay Khamiistii saddexda Musharrax la kulmeen uu ku hanjabay inaan sida uu rabo mooyee si kale la samayn karin, waxaanu Talyanle oo ka hadlayaa yidhi; “Madaxweyne Ku-xigeenku waabu xanaaqay sidaan warka ku helay isagoo leh, sidaan doonayo ayey noqonaysaa.. sidaasna faro-madhan baa lagu kala tegay.”
Talyanle waxa uu ka xog-warramay dhacdooyinkii u dambeeyey ee toddobaadkan ka dhex-dhacay dhinacyada Xisbiga KULMIYE, waxaanu yidhi; “Intaas ka sokow haddaan idiin xog-warramo xilkii aad noo dhiibateen ee noo igmateen xaalkiisu halkuu marayo iyo sida ammuuruhu u muuqdaan aan idiinka warramo, waxa intaas raaca, in Madaxweyne Ku-xigeenku xalay (habeen-hore) soo hadlay oo uu yidhi; ‘Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo Musharrax ah, Waabeeye iyo Talyanle oo Shir-guddoonka Xisbiga ah, Berrito (Sabtididii shalay) siddeedda subaxnimo markay tahay ii kaalaya,’. Arrintii Raggaannu isku talada ahayn ee Guddiga fulinta ahaa waannu isla eeg-eegnay, waxaannu isla qaadannay maaddaama oo uu Madaxweyne Ku-xigeenkii dalka yahay, Ku-simaha Madaxweynaha-na yahay inaannu u tagno, ballankii oo aannu halkaas dhignay, xalay saqdii dhexe Ciidammada RRU-du waxay ku gudeen oo ay guluf galiyeen Huteelkii aannu maanta (shalay) qadada ka ballaminnay oo Maansoor ahaa, Ciidankii joogay waa lala wareegay, waa la qaaday, argaggixiso ayaa meeshii laga abuuray. Waa markii u horreysay ee dawladda Somaliland ee Xisbiga KULMIYE Golihiisa Wasiirrada, Golayaasha Qaranka, dawladda oo isku-duubani ay isku adeegsato RRU.”
Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee KULMIYE Md. Talyanle waxa uu sharraxay weedho ay kulan shalay subax dhex-maray iyaga iyo Madaxweyne Ku-xigeenku isku weydaarsadeen, waxaanu yidhi; “Waa wax aad iyo aad loola yaabo, horena aan u dhicin. Intaasi markay dhacday, ninkii Ganacsatada ahaa ee Huteelka lahaa wuu dan sheegtay oo wuxu yidhi kol haddii Caddaan Marti ahi innala joogo, idinkuna aydaan KULMIYE ahaan midaysnayn, in meeshii la isku qabqabsado ma fiicna, annagoo caqli ku talinayna, waannu ka dul-qaadnay culayska, Madashan maanta (Huteel Guuleed) waxa innoogu deeqay Cali Cumar Guuleed. Anigoo hadalkayga koobaya, Madashanna furay, eraygaygii Masuul ahaan waxaan ku soo koobayaa, saaka (shalay) markaannu Madaxweyne Ku-xigeenka u tagnay ee aannu la kulannay, wuxu yidhi; ‘Shir aad qaban kartaan ma jiro’ Raggii aannu wada soconnay ee meesha fadhiyey waxay ku yidhaahdeen; ‘Madaxweyne Ku-xigeen adiga laftaadu Qadaad ka diyaarisay Kaah Huteel, Beel baad casuuntay, qolaad la shiraysaa adiga oo ah Madaxweyne Ku-xigeenkii dalka, metelayana Madaxweynihii dalka qabiilna waad la shiraysaa.”
Waxa uu Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle intaas ku daray oo yidhi; “Annagu-se Xisbi ahaan, KULMIYE ahaan, kaadir ahaan, Gole dhexe ahaan, Guddi fulin ahaan, oo Labeentii Somaliland ah oo Xildhibaannadii Golaha Wakiillada, Golaha Guurtida ay naga mid yihiin oo Labeentii Somaliland ah, isla markaana intaas oo qado oo magaalada lagu qabtay oo beelo lala shirayey oo aanad mid qudha joojin, maantana adiga laftaadu aad qado leedahay inaad na tidhaahdo joojiya qadada aad samaynaysaan kaa yeeli mayno. Caqli baa shaqeeya Madaxweyne Ku-xigeen ee Cududi ma shaqayso, RRU kuwii lagu cabsiin lahaa ma nihin, Somaliland baa meesha u dhan, Cadceeddana Sacab laguma qarin karo, Xaqiiqda horta maanta jirtaa ee Hoggaanka inna xukumayaa wax u wadaan waakaas, waa Hoggaan ahaan, waa Saylici ahaan, waa Ku-simaha Madaxweynaha maanta waa ninka fikirka caynkaas ah qaba. Waxaan ku soo koobayaa Somaliland inta horumarkeeda jecel, inta wanaaggeeda jece, inta nabadgelyadeeda jecel, inta ugu lexejeclada badani waa inta maanta halkan fadhida.”
Cabdikariin Xinif, agaasimaha maamulka xisaabaadka ee komishanka la dagaalka AID-ka, oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inaanu guddoomiyaha Kulmiye awood u lahayn qabashada iyo qabanqaabinta shirka golaha dhexe. Waxa uu sheegay in shirka golaha dhexe qabanqaabadiisa ay leeyihiin shirguddoonka golaha dhexe balse hadda aanu jirin shirguddoon golaha dhexe, wuxuuna meesha ka saaray in jaamac Shabeel yahay guddoomiyaha golaha dhexe maadaama wakhti hore xilku ka dhammaaday.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay Xinif qodobbada ay doonayaan in wax laga qabto, waxaanu yidhi; “Madaxweynaha Qaranka ee cid waliba dugsanayso waa inuu magacaabo guddi qabanqaabo oo lagu wada qanco. Madaxweynuhu cid lagu kalsoon yahay ha noo magacaabo, anagu taas ayaanu ogolahay. Qodobka kale ee khilaafku ka taagan yahay waxa weeye golaha dhexe. Guddidaas dhexdhexaadka ah ayaa qabanaysa qodobada la isku hayo; kow hubinta xubnaha golaha dhexe ma yihiin kuwii jiray. Laba samaynta kaadhadhka. Saddex bedelaada jagooyinka bannaaday.”
Cabdikariin Xinif wuxuu soo bandhigay afar qodob oo garabkoodu u arkaan xalka khilaafka Kulmiye waxayna kala yihiin:- “Talo soo jeedintayada waxay tahay oo aanu xal u aragnaa afartan qodob:- 1. In la joojiyo hawlaha imika sida khaldan u socda ee cid gaari si gaar ah u maamulanayso ee la xidhiidha shirka een la isla ogolayn; sida kaadhadh samaynta iyo buuxinta jagooyinka bannaanaaday ee aan la isla ogolayn, xal baanu aragnaa garna waanu u aragnaa. 2. In la helo guddi dhexdhexaad ah oo hawlaha shirka golaha dhexe maamusha. 3. In la abuuro jawi keeni kara kalsooni iyo niyadsami lagu tartamo, taas oo ay ka dhalanayso in musharaxa si xalaal ah ugu guulaysta lagu hambalyeeyo laguna gacan qaado, kadibna loogu midoobo sidii soo saaristiisa loo fulin lahaa. 4. In laga fogaado in la isku colaadsado fikirka iyo kala duwanaanshaha aragtiyaha ee musharaxiinta dhexdooda iyo xubnaha kale ee golaha waa la isku colaadsaday oo waa taas saakaba Baybayada la isku adeegsadaye, yaan la isku colaadsan artida xisbiga dhexdiisa.” Qodobbadaas ayuu ku soo gaabiyey Hadalkiisa Cabdikariin-Xinif.
Sidoo kale, Wasiirka Caddaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa sheegay inaan cidda dalka hoggaankiisa sii haysaa samaynin wax dhibaato keenaya oo kala fogayn karta Saaxiibbada KULMIYE, waxaanu yidhi; “Taas xalay la weeraray Hudheelkii aynu maanta ka qadayn lahayn, waxaynaan fileyn bay nagu noqotay, amakaag bay nagu noqotay. Intaa aynu immika isu sheegayna ee aynu leeyanay waar innana yeynaan dhib wadin maba wadnee, ciddii kale ee turxaan u arkaysaayna ka joog ma kala maarannee, intaas ayuun baynu halkaasna ka odhan lahayn, sabab alla sabab Ciid loo geeyo (Huteelka) mabay jirto.”
“Waxaan leeyahay Caqligu ha shaqeeyo oo Guddigii fulintuna ha isu-timaaddo, Xeerkeennuna ha shaqeeyo, Madaxweynuhuna ha innagu soo gaadho, Guddi dhex-dhexaad ah oo Saaxiibbada KULMIYE tartansiisana hawsha halloo dhiibo, wixii halkaas ka soo baxana aynu ku wada faataxaysanno.” Sidaa ayuu yidhi Xuseen Axmed Caydiid.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed-Kayse), ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Marbaan sigtay inaan ka qaybgalo Madal Reerku ku taageerayey….. (Saylici iyo Muuse), laakiin ILLAAHAY baa wanaag ila maagganaayoo waan ka xanuunsaday.” Sidaa ayuu yidhi, isagoo tilmaamay inaanay tallaabo wanaagsan ahayn Ciidanka uu Madaxweyne Ku-xigeenku doonayey inuu ku hor-joogsado qabashada shirkan, waxaanu caddeeyey inuu yahay Masuul taageersan musharraxnimada Wasiirka Wasaaraddaas Musharrax Maxamed Biixi Yoonis.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Kulankayagu waxa weeye saddexdayadii Musaharrax ayaa samaynay casuumad aannu isugu yeedhany Golihii dhexe iyo Taageerayaashayaddii si aannu u tusno awoodda aanun ku dhex leenahay Golaha dhexe iyo Guddiga Fulinta. Waxaanan wadannaa aqlabiyaddii Golaha taas ayay diiddan yihiin kuwa naga soo horjeedda.”
Samaale oo sii watay hadalkiisa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Afarta Musharrax ee u tartamaya Xisbiga dhexdiisa waa in loo sinnaadda Xisbiga dhexdiisa, maaha in Guddoomiyaha oo Musharrax ahi uu yeedhayo ama ku takri-falo awooddii Xisbiga, Madaxweyne Ku-xigeenka oo aannu u tagnay jawaab aannu ku qanacno nama siin waxaanan u aragnay inuu la safan yahay Guddoomiyaha.”
Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo ah Musharrax u taagan Jagada Madaweynaha KULMIYE, waxa uu yidhi; “Nin Musharrax ah oo anigoo kale ah, ayaa hawl-maalmeedkii Shirka Xisbiga gacanta ku haya, baaqa aan u dirayaa waxa weeye ha iska leexeiyo oo dadkii ku habboonaa ee Guddiga dhex-dhexaad ah ahaa hawshaas ha qabato oo halloo daayo, waxaan doonayaa Madal aan ka calaf-qaado oo xalaal ah oo lagu tartamo. Rag baa soo jeedin sameeyey oo yidhi Madaxweynuhu ha magacaabo Guddigaas, mid baan kaga duwanahayoo waxaan odhan lahaa hallaga dhigo hadday farsamo ahaan suuragal tahay laba Xubnood oo aniga iga socda, laba Xubnood oo Musharrax Maxamed Biixi ka socda, Musharrax kasta laba xubnood.”
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo isaguna ah Musharrax u taagan Jagada Madaxweynaha KULMIYE, ayaa ka hadlay halkaas, waxaanu sheegay inaan wakhtigan loo baahnayn qori caaradii, colaad iyo qax dambe oo Somaliland ka dhaca, waxaanu yidhi; “Waxaan isleeyahay KULMIYE ninkii ka soo baxaaba halkan fiican ee Xukuumaddani soo gaadhsiisay iyo magaca uu Madaxweynuhu kaga tegayo ayuu ka sii qaadi doonaa. Anigu shaqsiyan waxaan isleeyahay haddii aan jaaniskaas helo in waddankani halkan uu marayo aan ka sii hor-marin lahaa, horumar baannu u baahannay, nabad baynu u baahannahay aniga iyo asxaabtayduba, Colaad dambe iyo qax dambe uma baahnin, oggolaanna mayno in nin maroorsado oo uu ku hanjabo oo uu yidhaahdo waxbaan dilayaa, waxaannu aqbali karayno maaha.”
“Annagu Aqoon iyo karti ayaannu dalkan iyo dadkan ku hoggaamin doonnaa, ku hoggaamin mayno qori caaradii, cilmi, aqoon, waayo-aragnimo iyo karti baannu ku hoggaamin doonnaa. Aniga iyo Musharrixiinta halkan fadhidaa waxaannu u baahannahay tartan xalaal ah, waanu dhacayaa, cid iska kaaya hor-taagi kartaana ma jirto. Madaxweynaha horena waan uga codsaday haddana waan ka codsanaynaa inuu sameeyo Guddi dhex ah oo hawlaha Xisbiga ee shirkaas wadda, waanan ku kalsoonahay in Madaxweynuhu samayn doono Guddigaas.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Biixi Yoonis.
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka tirsan Xubnaha KULMIYE ee Golaha Wakiillada, ayaa sheegay inay Gole ahaan u yeedhi doonaan ciddii bixisay amarka lagu hor-istaagayo Xafladda Is-bahaysiga, waxaanu yidhi; “Arrinta saaka (shalay) ka dhacday Maansoor waa arrin fool-xun waana ceeb in Xukuumaddu tidhaahdo masuul kama nihin amniga Musharrixiinta, Wasiirrada, Xildhibaannada iyo Hoteelka-ba, waana arrin fool-xun in Ciidammo la keeno, waxaanu ka turjumayaa ammarkaasi in aanu Ciidan-Beeleedyo samaysanno inna ilaaliya oo aynu la mid noqonno Xamar iyo wax baas.”
“Maaddaama oo aannu nahay Golihii Wakiillada oo aannu shacabka Wakiil ka nahay, oo aannu Mulkiilaha Maansoor Huteel Wakiil ka nahay, halkan waxa jooga Guddomiyeyaasha Golaha Wakiillada, waxannu ballan-qaadaynaa inaannu Golaha Wakiillada hor keeni doonno cid alaale iyo cidii ka danbaysay amarkaasi dhaawacaya dimuqraadiyada. Waxaan ballan-qaadaynaa inaannu mooshin ka keeni doonno arrintan fool-xumadeeda leh.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi.
Sahra Maxamed Xuseen (Sahra-Bisbaaso) oo ka mid ah Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ayaa iyaduna Xafladdaas ka hadashay, waxaanay tidhi; “Maalmahan waxaa halkan laga waday Hebel Hebel oo Hebel hebel Wakiil ka yahay farta taag oo u codaynaya Nin London jooga ama nin dibedda jooga oo la leeyahay nin kale ayaa ka wakiil ah Xubin Golaha dhexe ah hadda ka hor maannaan maqal iyo Handadaad kale oo la leeyahay Wixii shaqaale dawladeed ah ee Musharrixiinta (isbahaystay) raaca shaqada waa laga eryayaa, dimuquraaddiyaddu sidaas maaha, ee ciddii dawladda u shaqaysa ee Musharrixiintan raacda haddii shaqada laga eryayo diyaar baannu u nahay ee ha nalaga eryo. Intii badnayd Haweenkii Xisbiga KULMIYE waata halkan fadhida, waxaanannu hiil iyo hooba la garab-taagannahay musharrixiintan, waana la yaqaan oo Somaliland cidda Haweenku taageero ayuun baa guulaysata.”
Sidoo kale, waxaa kulankaas ka hadlay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo sheegay inuu u sharraxan yahay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE, Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Axmed Jaambiir Suldaan, Wasiirro, Wasiir Ku-xigeenno, Salaaddiin, Cuqaal, Wax-garad, Xubno ka kala tirsan Guddiga Fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kuwaasoo dhammaantood sida kor lagu sheegay oo kale u faahfaahiyey qaladaadka Saylici iyo Garabka Guddoomiyaha KULMIYE ku kacayaan, soona jeediyey talooyin ay xuseen inay ula muuqdaan kuwa qaladka taagan lagu sixi karo, lagagana hor-tegi karo dhibaato kasta oo Kulmiye ku kasban karo sida uu hadda yahay.
Geesta kale, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo BBC-da la hadlay shalay, ayaa yidhi; “Haddii la wado oo la wado Iskaddaa Muuse Biixiyoo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaan waxba ka badali karayn Xubnaha Golaha dhexe qofna ma keeni karo qofna kama eryi karo. Xunaha la badalayo waxa badalaya oo qudha cida markii hore soo magacawday walaa Muuse biixi oo cod uruursana ayaan badali karin oo cid keensan karin anigaan cid keeni karin ,qolada Golaha dhexe ka baxda ,ama geeriyoota waxaanu ku uruurinaa fayl faylkaasna waxa la horgaynayaa golaha dhexe oo loo faahfaahinayaa. 10bisha tobnad ayuu bilaabmayaa shrku ilaa 9 bisha waa la qaadan karaa aqoonsiga Xubinta golaha dhexe.”
Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment