Berbera, 21 October, 2015-(Himilo)- Guddiga Nabadgelyada gobolka Saaxil, ayaa xukun deg-deg ah oo aan Maxkamad la marin ku riday Shan Nin oo Masuuliyiin Xukuumadda ka tirsani amreen in la xidho, kuwaasoo Axaddii toddobaadkan lagu xidhay Saldhigga Booliska magaalada Berbera, una xidhnaa qaddiyadda wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera.
Dadkan oo aan dembiga ay galeen Maxkamad la hor-geyn, isla markaana uu Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Saaxil hore u diiday dalab Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland Cali Maxamed Cilmi Maxkamadda kaga dalbaday Waaran qabasho in loogu jaro toban qof oo ay Shantan Nin ee shalay Guddiga Nabadgelyada Saaxil Xukunka deg-degga ah ku rideen, kuwaasoo waxa ay Wasiirradu ku haystaan la xidhiidhay muujinta qaddiyaddooda la xidhiidha sida ay uga soo horjeedaan wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee magaalada Berbera oo ay Xukuumaddu Sabtidii toddobaadkan ku wareejisay Shan Shirkadood oo Gaar loo leeyahay oo Maamuli doono muddo labaatan sannadood ah sida ay Xukuumaddu caddaysay.
Shanta Nin oo Sabtidii toddobaadkan la xidhay, ayaan hore loogu guulaysan in la xidho, balse markii la wareejinayey Haamaha la xidhay, waxaanay Magacyada Shantaas Nin ee Xukunka deg-degga ah lagu riday oo Wargeyska Himilo helay ay kala yihiin sidan:- 1. Cabdirisaaq Dubad-Dhagoole, 2. Dr Aadan Cabdikariim Xaaji Yuusuf, 3. Cismaan Cabdillaahi Ismaaciil (Qarayare), 4. Maxamed Jaamac Muuse (Madax-Yar), 5. Maxamed Xuseen Xirsi. Kuwaasoo xukunka ay Guddiga nabadgelyada Saaxil ku ridday la sheegay inuu dhan yahay muddo hal bil ah oo ay Xabsi ku jiraan shantaas Nin.
Guddoomiyaha gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo Guddoomiye u ah Guddiga Nabadgelyada gobolkaas, ayaa Weriyeyaal Wargeyska Himilo Khadka Taleefanka xalay wax kaga weydiiyey xukunka deg-degga ah ee Guddiga nabadgelyadu shantaas Muwaaddin ku ridday iyo nooca dembiga ay galeen, hase-yeeshee, noomay suuragelin inaannu wax war ah ka helno, ka dib markii uu ku gaabsaday inaanu joogin magaalada, isla markaana uu Burco joogo, balse uu ka war-doonayo oo uu nagu soo celin doono Taleefanka, balse uu nagu soo celin waayey, markaas ka dibna naga qaban waayey Taleefankiisa gacanta oo aannu marar badan xalay ka wacnay.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment