Wednesday, October 21, 2015

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada oo sheegay inay jiraan Musharraxiin kale oo sugaya Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE

Hargeysa, 21 October, 2015-(Himilo)- Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Dr. Cali Yuusuf Axmed, ayaa sheegay inay jiraan Musharraxiin qarsoon oo Hankooda ka dhex Shaacin doona Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo loo muddeeyey qabashadiisa tobanka bisha soo socota ee November 2015-ka.

 
Ku-xigeenka labaad ee Guddoomiyaha Wakiillada Dr. Cali Yuusuf oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland ee laga soo doortay gobolka Maroodi-jeex ee Xisbiga KULMIYE, ayaa sheegay in Musharraxiinta hankooda iclaamiyey ay xaq u leeyihiin, hasa-yeeshee kuwo kalena ay furitaanka Shirka Golaha dhexe ka dhex sheegi doonaan, sidaa daraadeedna loo baahan yahay in shirkaasi u dhaco si dimuqraadiya.
Guddoomiye ku xigeenka labaad oo Shalay saxaafadda la hadlay, waxa uu yidhi; “Musharraxiinta KULMIYE ee shaaciyey hankoodu xaq bay u leeyihiin inay isa sii sheegaa, laakiin waxa jira in kale oo han leh oo Aamusan oo aan weli ka hadal, kuwaana waxay u bannaan tahay Maalinta la furo shirka Golaha dhexe oo waa loo Codeynayaa.”
Dr. Cali Yuusuf waxa uu rajeeyay in Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE si wanaagsan u dhaco. “Waxaan ILLAAHAY ka rejeynayaa inay si nabad ah ku dhammaato.” ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Dr. Cali Yuusuf Axmed.
HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE

No comments:

Post a Comment