Wednesday, October 21, 2015

Tirada Dadka ku dhintay Shilkii Xajka ka dhacay Sannadkan oo Xaddi Xad-dhaaf ah maraysa

 

Makkah, 21 October, 2015-(Himilo)- Waxaa si wayn kor ugu kacay Tirada Xujaajta ku dhimatay Shil ka dhashay Cidhiidhi iyo is-jiidh-jiidh ka dhacay Buurta Dhagax-tuurka ee Mina oo ku taalla duleedka magaalada Barakaysan ee Makkah maalintii Ciidal-Adxada oo ay gudanayeen Waajibaadka Islaamiga ah ee Xajka, taasoo hadda gaadhaysa 2,177-Xaaji, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka AP.

Tirada dhimasho ee ay baahisay Wakaaladda AP, ayaanay sheegin Mas’uuliyiinta dawladda Sucuudigu, iyagoo hore u sheegay in tirada dhimashadu ay tahay 769-qof, halka ay ku dhaawacmeen 934, oo Xaaji oo ka mid ahaa dadkii waajibaadka Xajka ee sannadkan gudanayey.

Wasiirka arrimaha gudaha Boqortooyada Sucuudiga Amiir Mohammed bin Naif bin Abdul Aziz oo ah Mas’uulka u qaabbilsan Xajka Boqortooyada Sucuudiga, ayaa Axaddii toddobaadkan kala hadlayay Mas’uuliyiinta Xajka ee Sucuudiga tiradii dhimashada ee ka dhalatay is-buurashadii Xajka ka dhacday Maalintii Ciidal-Adxada, inkastoo aan la shaacin warka arrintaas la xidhiidha.

“Baadhitaanku weli waa socdaa, waxaana Mas’uuliyiinta dalka Sucuudigu ay weli dedaal ugu jiraan sidii loo ogaan lahaa sababtii keentay shilkan ay ku geeriyoodeen Xujeyda faraha badani.” Sidaa ayuu lagu yidhi Warbixin ay daabacday Wakaaladda Wararka Sucuudiga ee SPA.

Intii aanu Xajkii sannadkani billaaban waxaa Wiish kusoo dumay Masaajidka Barakeysan ee Makka Al-mukarama, kaasoo ay ku geeriyoodeen 111 Xaaji oo ka mid ahaa Xujaajtii u tegay Makkah inay gutaan waajibka Islaamiga ah ee Xajka.

Hore ayey dawladda Boqortooyada Sucuudigu isaga fogeysay eedeyn ay Shilkaas Masuuliyaddiisa ugu jeedisay dawladda Iran. Iyadoo Xukuumadda Tehran ay sheegtay inay Boqollaal qof kaga geeriyoodeen Shilkas.

“Waddamada reer Galbeedka ah iyo Munaafiqiintu waxay caado ka dhigteen inay buun-buuniyaan geerida Muslimiinta, wararkooduna waa been aan sal iyo raad toona lahayn.” ayuu Isniintii lasoo dhaafay yidhi Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei.

Iiran iyo Sucuudiga waxaa ka dhexeeya khilaaf salka ku haya dagaallada ka socda dalalka Carabta qaarkood, kuwaasoo ay ka mid yihiin Suuriya iyo Yemen. Iyadoo labada waddan oo Sunni iyo Shiico kala ah ay isku eedeeyaan inay kala taageeraan dhinacyada ku dagaallamaya dalalkaas oo Sunni iyo Shiico isu-haya.

 

 

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment