Hargeysa, 18 October, 2015-(Himilo)- 31 guurada ka soo wareegtay dagaalkii Burco-duurey ee sanadkii 1984-kii oo lagu suntay maalinta Shuhadada Ururkii dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed ee SNM ayaa Shalay xusay huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Xuska Maalinta Shuhadada SNM oo sanad walba la qabto 17-ka bisha October ayaa waxa Shalay ka qayb-galay Wasiirro, Mujaahidiintii SNM, hoggaanka Jimciyadda SOOYAAL, Fannaaniin iyo Marti sharaf kale, waxaana halkaa lagu soo bandhigay ahmiyadda Xuskani u leeyahay dadka reer Somaliland, Maadaama oo Shuhadada SNM ahaayeen kuwii dhiiggooda u huray Xornimada, nabadda iyyo horumarka Maanta ka hano qaaday Somaliland.
Guddoomiye ku xigeenka jimciyadda Mujaahidiinta ee SOOYAAL Quule Cabdi Xasan oo ugu horeyn halkaa ka hadlay ayaa halgankii SNM ku sifeeyay mid la Mahadiyey oo keenay nabadgalyada iyo horumarka Maanta Somaliland ku naaloonayso.
Cabdikariin Xaashi Cilmi oo ahaa Taliyihii ururkii labaad ee guutadiii Sayid Cali ee dagaalkii Burco-duuray ayaa isaguna Xukuumadda Somaliland ku adkeeyay in Mujaahidiintii u soo Shahiiday dalka lagu xuso taalooyin iyo bilado.
Prof, Cabdisalaan oo ka mid ahaa aasaasayaashii SNM ayaa isaguna xuskaasi ka yidhi “Maalintii dagaalka Burco-duurey waxaanu joognay Guba-daalaco oo dagaalku nagu qabsaday gurmadkiina waxaanu ku nimid Burco-duurey oo dagaalku dhamaaday. Dadkii dagaalkaa ku Shahiiday ehelkoodu xaq bay innagu leeyihiin, nafadii Xaq bay innagu leeyihiin inaynu xasuusano, dadka kale ee jilicsan ee Maatida ah dawlad ahaan xaq bay inoogu leeyihiin inaynu xasuusanno.”
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii aasaasay SNM, ayaa isaguna sifeeyay waxyaabihii uu ka kacay Halgankii SNM. “Kacdoonkii SNM waxa uu ku yimid Caddaalad daradii dalka ka dhacday ee lagu sameeyay ummaddii degganayd dhulka.” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray; “Caddaalad daradaas oo loo adkaysan waayay ayuu ka kacay halkii SNM ilaa uu ballaadhay oo diyaaradaha iyo Dabbaduhu garaacayeen Magaalooyinka oo aan waxbalala hadhin. Caddaalad daradaasi inaynu ka digtoonaano ayay ku fiican tahay oo aynu innagu goor walba gudaheena Cadaaladda ku eegno oo aynaan iloobin in wixii aynu ka dagaalanay ahayd Caddaalad-daro.”
Xuskan oo ay hadallo ka jeediyeen Boobe Yuusuf Ducaale iyo Naasir Qodax oo ka kala socday UCID iyo WADDANI iyo Mujaahid Cabdisalaan Turki, ayaa waxa kale oo ka hadlay Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaanu sheegay inay aad u kala duwan yihiin Maalintii Burco-duurey iyo Maanta oo Somaliland horumar badan gaadhay; “Xaaladda Maanta joogta ee aynu isku canaananayno iyo xaaladdii maalintaa joogtay laba isku dhigo maaha, Waayo ? Maalintaa waxaynu ahayn dad Xuquuqdoodii oo dhan laga qaaday oo inyar u jira in dalkana laga qaado sidaa Falastiin, ILLAAHAY wuxuu keenay dad keenay fikradda ah inay arrinkaa ka dagaalamaan kuwaasi oo meelo kaa duwan joogay.” ayuu yidhi, Guddoomiye Muuse oo sidoo kalena soo jeediyay in la qoro taariikhda SNM, waxa uu yidhi; “Waxaan jecelahay odayaashu intay joogaan inay qoraan taariikhda (SNM).”
Gabogabadii waxa halkaa ka hadashay Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxayna tidhi; “Dawladda KULMIYE waata keentay in Miisaaniyadda Qaranka wax loogu daro Mujaahidiinta SNM ee xabaduhu ku jireen, waana ta xabadaha lagaga saaray siddeeda boqol iyo dheeraadka, dawladda KULMIYE-na waxay garanaysaa SNM waxay tahay. Dawadda KULMIYE waata aasaastay Sanduuq dhaqaale oo danyarta wax siiya, imikana waxa la dhisayaa oo dhammaadku dhow Madxafka SNM.”
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment