Ceerigaabo (Himilo)-Guddoomiyaha guddida doorashooyinka ee gobolka Sanaag, Guddoomiyaha ururka Taakulo, Xildhibaanad Qamar oo ka tirsan golaha Deegaan Ceerigaabo iyo Xubno kale oo ay shalay Qafaasheen Ciidamo taabacsan maamulka Puntland ayaa xoriyadoodii dib u helay Isniinta Maanta.
Sida uu noo xaqiijiyay Wariye Cabdilaahi Darwiish oo ku sugan Magaaladda Ceerigaabo waxa la filayaa in Xubnahaasi ay dib ugu soo noqdaan Magaaladda Ceerigaabo halkaas oo ay xaruntoodu tahay.
Xubnahan ciidamada Puntland ka qafaasheen Beriga Sanaag Ayaa magaalada Ceerigaabo uga Baxay Wacyigalinta Diwaangalinta Codbixiyayaasha oo ka socota Gobolada Beriga Somaliland.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment