Monday, October 19, 2015

Xulka Gobolka Awdal Uga Qaybgalayay Ciyaaraha Gobolada oo Sheegay Inay ka Baxeen Tartankaasi

 

 

Amaanka Magaalada Hargeysa maaha mid la isku haleynkaro …waayo waxaa la ogaa wixii dhexmaray ciyaartoyda Gobolka Awdal Iyo Maroodijeex

Boorama (Himilo)-Ciyaartoyga Xulka gobolka Awdal ayaa sheegay in ay ka baxeen guud ahaanba Koobka Gobolada dalka oo la filayo inuu todobaadka soo socda ka bilaambo magaalada Hargeysa.

Ciyaartoga Gobolka Awdal waxaa ay ku doodeen in lacago iyo mushaharooyinkii ciyaartogtaasi la lunsaday islamarkaana ay waayeen  ambabaxa ciyaartoygu ku iman lahaayeen  magaalada Hargeysa.Ciyaartoydani  waxaa ay sidoo kale  ku sababeeyeen inay tartanka uga  baxeen amaanka magaalada Hargeysa oo ay sheegeen inaan la isku haleyn Karin maadaama xurguf adagi dhexmartay Xulka Gobolka Maroodijeex iyo Xulka Gobolka Awdal oo ciyaartoodii u dambaysay dagaal Dhexmaray.

Video-ga Ciyaartoyga gobolka Awdal oo ka hadlaya arimaha Halkan hoose ka daawo:-

 

 

https://www.youtube.com/watch?time_continue=317&v=88w2csfizog

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment