Monday, October 19, 2015

Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo ka Hadlay Afduubka Xubnihii u Qaabilsanaa Gobolka Sanaag.

Hargeysa (Himilo)-Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa ka hadlay Xubno ka tirsan komishanka oo ciidamada Maamul goboleedka Puntland shalay ka qafaasheen Meel u dhaxay tuulada Yoobe iyo Hadaaftimo.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xarunta komishanka doorashooyinka oo nuqul kamid ah soo gaadhay xafiiska Wararka ee Wargeyska Himilo ayaa u dhignaa Sidan:-
Republic Of Somaliland Jamhuuriyada Somaliland National Electoral Commission Guddida Doorashooyinka Qaranka Taar: 19/10/2015 Ref: PR/134NEC
WAR-SAXAAFADEED
Maalintii Shalay oo ay Bisha Oktoobar ahayd 18/2015, waxa si lama filaan ah loogu qabsaday meel u dhexaysa Yuube iyo Hadaaftimo, koox ka socotay wacyigalinta diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo masuuliyiin ka tirsan KDQ heer gobal ah, oo ka ambabaxday magaalo madaxda gobolka Sanaag.
Masuuliyiinta hawshan waday waxay siteen warqada qoraal ah oo lagu wargalinayey shaqada ay u qabanayaan KDQ.
Warqadan oo ka soo baxday KDQ , kuna socotay dhamaan, Gudoomiyayaasha Gobolada dalka, Maayarada Gobolada dalka, Gudoomiyayaasha komishanka heer gobal. – Gudoomiyayaasha komishanka heer degmo Iyo masuuliyiinta kale ee heer gobol iyo mid degmaba ah, Ka hor bixixitaankii masuuliyiinta xagga Sanaag bari, waxay masuuliyiintu la shireen, maamulka heer gobal iyo degmoba Ceerigaabo una gudbiyaan fariinta ay ka sidaan KDQ.
KDQ markuu la xidhiidhay, Suldaanka guud suladaan Saeed Suldaan Abdislaan suladan Ali shire, maamulka gobalka iyo masuuliyiintii hawsha waday waxa ay xaqiijiyeen in la soo af jaray hawshaa, masuuliyiintiina dib ugu soo laabteen magaalada ceerigaabo.

Allaa mahad leh Komishaneer: Saciid Cali Muuse.

No comments:

Post a Comment