Sunday, October 18, 2015
Madaxwaynaha Somaliland oo la hadlay Jaaliyadda Ingiriiska & Golaha Wasiirrada oo Shir aan caadi ahayn ka yeeshay Xiisadda KULMIYE
London, 18 October, 2015-(Himilo)- Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ku sugan yihiin Magaalada London ee Caasimadda boqortooyada Ingiriiska, ayaa Xalay khudbad u jeediyay boqollaal ka mid ah Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan halkaas.
Munaasibadda soo dhaweynta ah oo Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriisku ku qaabishay Weftiga Madaxwaynaha ayaa waxa hadallo ka jeediyay Wasiirrada Madaxtooyada, Caafimaadka iyo Warfaafinta Somaliland waxayna ka Mahad-celiyeen soo dhaweynta Jaaliyaddu u samaysay Madaxweynaha, iyaga oo mid mid uga waramay Xaaladda dalka iyo waxqabadka Xukuumaddu fulisay.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa khudbadda uu ka jeediyay kulanka Jaaliyadda iyo Madaxweynaha ku soo hadal qaaday loolanka Musharraxiinta KULMIYE iyo Shirka Golaha dhexe, waxaanu Wasiirrada Xukuumadda kula taliyey in aanay Shaqada Qaranka kaga mashquulin loolanka xisbiga KULMIYE.
Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa isna ka hadlay halgankii loo galay xoreynta Somaliland waxaanu 17-ka October oo ku beegan Maalinta Shuhadada SNM uu Hambalyo u diray Mujaahidiinta, Xaasaskooda iyo Carruurtooda, isagoo u rajeeyay inay Sannadkan kiisa kale ku gaadhaan bawaaqo.
Munaasibadda Jaaliyadda Ingiriisku ku soo dhaweeyeen Madaxwaynaha oo sidoo kale ka hadleen Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), Xildhibaanno ka socday Golaha deegaanka Tawer Hablet ee Magaalada London, ayaa waxa gabogabadii ka hadlay Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaanu sheegay in Muddada ay safarka ku joogaan London ay la kulmeen xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska isla-markaana kala hadleen Qadiyadda Ictiraaf raadinta Somaliland.
Madaxwaynuhu waxa kale oo uu halkaa ka sheegay inay Xukuumad ahaan u diyaar-garoobayaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo uu tilmaamay inay xilligooda ku dhici doonaan.
Ugu dambeyn, waxa uu Madaxwaynuhu Tacsi diray dhallinyaradii ku geeriyooday rabshadihii Ciyaaraha ee Magaalada Borama iyo kuwo laba toddobaad ka hor ku geeriyooday badda Berbera, waxaanu Alle uga baryey inuu Jannadii Fardawsa ka waraabiyo.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa Shalay shir aan caadi ahayn ka yeeshay sidii Shirka Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ugu qabsoomi lahaa si Caddaalad ah, sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul.
Afhayeen Dhuxul oo Saxaafadda la hadlay ka dib shirka Golaha Wasiirrada oo uu Guddoominayey Madaxwayne ku xigeenka, ahna ku simaha Madaxwaynaha Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa isaga oo arrimahaas faahfaahinaya waxa uu yidhi “Waxa loo gogol xaadhayaa shirwaynihii Xisbiga KULMIYE oo dhawaan qabsoomi doona, waxa jira Musharrixiin u taagan jagada Madaxwaynaha oo ka dhex tartami doono Xisbiga, xifaaltanka iyo loolanka inaan lagu waxyeelayn jiritaanka ummadda ayaa aad lagaga dooday”
Afhayeenka oo sii hadlaya yidhi, “Xisbigeenan waxa soo dhisay ruug cadaaga ina hoggaamiya waana xisbi dimuqraadi ah oo cid waliba ku tartamayso, markaa muhiimada kulankaasina waxa uu ahaa in sharciyadda Xisbiga la ilaaliyo.”
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment