Wednesday, October 21, 2015

Xisbiga WADDANI oo Marxaladda Qarannimada Somaliland mareyso ku miisaamay Saraakiil Puntlnad Qafaalatay

“Cumar Jaamac oo Madax u ahaa Weftiga la Afduubay wuxuu Yubbe oo 40KM u jirta Ceerigaabo ayaa la naga Afduubay, haddana Nimankii na afduubay baa na keenay halkii, taasi waxay caddaynaysaa inaynaan dalka ka talin…” Boobe Yuusuf Ducaale
Hargeysa, 21 October, 2015-(Himilo)- Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa marxaladda Qarannimada Somaliland iyo Qiimeheedu wakhtigan marayaan ku miisaamay Saraakiil Maamulka degmada Ceerigaabo iyo Guddiga doorashooyinka Somaliland ka tirsan oo Ciidammada Maamul-gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland Axaddii toddobaadkan ka afduubeen Bariga gobolka Sanaag oo ay la tageen magaalada Badhan.
Kuwaasoo hawlo loogu yeedhay wacyigelinta hawlaha diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Somaliland ka waday deegaanka Yubbe oo 40-KM Ceerigaabo ka xiga dhinaca Bari markii la afduubay, hase-yeeshee, lala tegay magaalada Badhan oo ay hal habeen ku xidhnaayeen. Balse, markii dambe Isniintii toddobaadkan la soo daayey, iyadoo siyaabo kala duwan looga hawlgalay oo dhinac dhaqan iyo mid siyaasadeed-ba leh, haddana waxa lagu soo daayey Amar uu bixiyey Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas.
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa arrintaas ku tilmaamay mid khatar ku ah Qaranimada Somaliland. Maaddaama oo Ciidammada Puntland ay Masuuliyiinta Somaliland ka afuubayaan duleedka Ceerigaabo Masuuliyiin, waxaanu yidhi; “Dhibka ugu weyn ee Somaliland Maanta taala waa in Qaranimadeennii oo khatar ku jirta, waayo? Wefti baa laga afduubay meel la yidhaahdo Yubbe oo 40KM u jirta Ceerigaabo.”
Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu intaas ku daray; “Cumar Jaamac Faarax oo Weftigaa Madax u ahaa Xalay (habeen-hore) Tv-yada ayuu ka hadlay, waxaanu yidhi; waannu bed-qabnaa oo Nimankii na afduubay baa nagu soo celiyey halkii ay naga afduubeen, markaa dhibaatada taallaa waxa weeyaan innagii-baa qireyna in aynaan dalka lahayn oo aynaan ka talin.”

 
“Dhinaca (Bariga) waa lagaga soo durkayaa Somaliland, Xukuumadda aynu Aayabaha iyo mustaqbalka ka sugaynaana waataa sheekada inooga dhigaysa Ireland baa la tagay ee Madaxwaynihii lagu dirqiyayo waxaanu tahli kareynin. Ireland dawlad baa ka talisa oo Raysal-wasaare iyo Wasiirro ayay leedahay, laakiin Madaxwaynaha Ireland waa Madaxweyne-sharafeed sida ka Itoobiya, qaabka loogu tagayna muu ahayn qaab dawladnimo oo rasmiya ee xidhiidho kale oo Silloon ayaa lagu tagay.” Sidaa ayuu yidhi Boobe.

 
Boobe oo sii hadlaya ayaa ka hadlay Musharraxiinta ku loolamaya KULMIYE iyo wareejinta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Berbera, “Dhibaatooyinka kale ee Maanta Shacabkan haystaa waxa weeyaan inta doobinaysa ee leh waanu sharraxannahay ee iyagu Caashaqay inay noqdaan Madaxwaynaha, laakiin aan u Caashaqin Shacabka iyo dalkan daraadii ee iyagu iskood u Caashaqay.”
“Haamaha waala wareejiyey berina waxaynu maqli doonaa Rasaastii baa cid la inoogu dhiibay, waayo? Shidaalku waa sir, Rasaasta Ciidanku haystaa waa sir, qaabka ay u dagaalamaan waa Sir, laakiin qayb ka mid ah waataa lagu wareejiyey Ganacsatada ee la leeyahay labaatan sanadood baa la saxeexay. Laakiin ILLAAHAY kama dhigo oo Warqaddaa Warqaddeeda ayaa iman doonta Samaduna way furan tahay, ummadda waxaanu leenahay hala tashado oo hala digtoonaado oo yeynaan noqonin Maydkaa iilka jiifa oo kale.” Sidaa ayuu didhi Boobe Yuusuf Ducaale.

 

HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE

No comments:

Post a Comment