Monday, October 19, 2015
Xukuumada oo Si Rasmiya u Shaacisay in La Wareejiyay Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera.
Hargeysa (Himilo)-Wasaarada ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland ayaa maanta rasmi ah shaaca uga qaaday in haamaha kaydka shidaalka ee Berbara lagu wareejiyay lix shirkadood oo gaar loo leeyahay islamarkaana xukuumadu ay ka kireysay mudo Labaatan Sano ah.
Wasiirka wasaarada Ganacsiga Dr Muuse Qaasim oo wareysi kooban siiyay BBCda waxaa uu sheegay in xukuumadu haamaha shidaalka ka kireysay lix shirkadood oo hore u keeni jiray shidaalka, isagoo xusay In awooda kaantaroolka iyo hubinta tayada shidaalka soo galeya dalka ay masuul ka tahay wasaarada Ganacsiga Somaliland.
Haamaha Kaydka Shidaalka ayaa waxaa shalay si rasmiya loogu wareejiyay shirkado gaara iyadoo lagu wado in shirkadahaasi dayactiri doonaan haamaha kaydka shidaalka oo dayacbadani ka muuqdo.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment