Wednesday, October 21, 2015

Natiijada doorashada Canada lagu kala guulaystay iyo Soomaaligii u horreeyey ee ka mid noqda Baarlamaanka Canada oo la doortay

Canada, 21 October, 2015-(Himilo):- Mid ka mid ah Saddex Nin oo Soomaali ah oo u tartamayey Baarlaamaanka waddanka Kanada doorashada dalkaas ka dhacday, ayaa noqday Soomaaligii ugu horreeyey ee ka mid noqda Baarlamaanka Canada taariikhda, kaasoo lagu magacaabo Axmed Xuseen, ka dib markii uu guul ka gaadhay doorashada Xisbiga uu ka tirsanaa Musharrixiintiisa.
Axmed Xuseen oo ka tirsan Xisbiga doorashada dalka Canada ka dhacday ku guuleystay ee Liberal-ka, ayaa tartanka kasoo galay Xaafadda degmada York, South—Weston ee Toronto, waxaanu ka adkaaday Mike Sullivan oo ka tirsan Xisbiga New Democrat, oo Kursiga hore ugu fadhiyey.

 
Waxa uu Axmed waxa uu dalka Canada tegay sannadii 1993-kii, isaga oo ka baxay Jaamacadda York University, oo uu taariikhda ka bartay iyo Jaamacadda University of Ottowa oo uu ka bartay sharciga, sida uu ku sheegay Website-kiisa shaqsiga ah ee doorashada. Faysal Xasan oo ka tartamayey Xisbiga NDP iyo Cabdi Cabdul oo ka tartamayey Xisbiga talada hayey ee Conservative, ayaan iyagu guulaysan, ee guul-darraystay, markii ay Xisbiyadooda laga guulaystay.

 
Geesta kale, Justin Trudeau, ayaa noqon doona Ra’iisul-wasaaraha dalka Canada kadib markii uu Xisbigiisa Liberal-ka ku hoggaamiyey guul weyn oo ay ka gaadheen doorashooyinkii Baarlamaaniga ahaa ee Canada. Taleefishinka Canada ee CBC ayaa ku warramay in Xisbiga Liberal-ka uu hanan doono in ka badan 180 ka mid ah 338-ka kursi ee Baarlamanka dalkaas, halka Xisbiga Muxaafidka ee Raysal-wasaaraha xilka haya ee Stephen Harper uu helayo 104 kursi, iyaga oo Xisbiga New Democrat-na uu kaalinta saddexaad ku galayo kaliya 36 Kursi.

 
Soomaalida ku nool waddanka Canada, ayaa aad u soo dhaweeyey guusha uu Axmed ka gaadhay doorashada Baarlamaanka, iyagoo u arkaya guushiisa inay horseedayso inay Baarlamaanka dalka Canada cod ku yeeshaan markii ugu horreysay taariikhda Soomaalida waddankaas deggani. “Tani waa guul weyn oo u soo hoyatay Soomaalida Canada ku dhaqan, waana maalin aan xusuusan doonno maalintani.” Sidaa waxa yidhi Mahad Shaafici oo ah Ganacsade Soomaaliyeed oo magaalada Ottawa ee dalka Canada deggan.

 
Xisbiga laga guuleystay ee Conservative-ka, ayaa ahaa Xisbi kasoo horjeeda Qoxoontiga ku nool dalka Canada, isaga oo soo saaray sharci dhigaya in dhallashada laga qaado qofkii lagu helo inuu faraha kula jiro falal dembi.
Sidoo kale, Xisbiga Conservative-ka ayaa wuxuu kasoo horjeeday Niqaabka ay Haweenka Muslimiintu xidhtaan, isagoo ku tilmaamay arrin jaahilnimo ah oo muddo fog jirtay, isla marakana aan raad ku lahayn Diinta Islaamka, taasoo keentay in Muslimiin badani ay ka qayb-galaan doorashooyinka Canada ka dhacay toddobaadkan, iyadoo la sheegay in arrinta Niqaabka ay sabab weyn u tahay guul-darrada ku dhacday Xisbiga Conservative-ka, Xisbigaas oo dalka Canada ka talinayey tobankii sannadood ee u dambeeyey.

 
Xisbiyada NDP iyo Liberal, ayaa aad uga soo horjeestay go’aanka Xisbiga Conservative-ku ku diiday Niqaabka ay qaataan Haweenka Muslimiinta ahi, iyagoo ku tilmaamay falkaas mid fool-xun oo ka dhan ah Asluubta Dumarka Muslimka ah ee waddankooda ku dhaqan.
Doorashooyinka Baarlamaanka Canada waxaa 185-kursi oo kuraasta Baarlmaaanka dalkaas ka mid ah ku guuleystay Xisbiga Liberal-ka oo uu ka tirsan yahay Axmed Xuseen oo ah Soomaaliga taariikhda dalka Canada markii ugu horreysay Kursigan oo kale ku guulaysta, iyadoo xisbigani uu sannadka soo socda hoggaamin doono waddanka Canada.

 
Rayssal-wasaaraha hadda dalka Canada hoggaamiya Mr. Stephen Harper, waxa uu aqbalay in doorashada lagaga guuleystay, isla markaana waxa uu si aan shaki iyo cabsiyi ku jirin u qirtay guul-darrada Xisbigiisu kala kulmay doorashada. Ninka noqonaya Raysal-wasaaraha cusub ee Canada ee doorashada Xisbigiisa Liberal-ku ku guulaystay Mr. Justin Trudeau oo hadda 43 sano jir ah, sidoo kalena ah Wiilka uu dhalay Raysal-wasaarihii hore ee Canada Pierre Trudeau, waxa uu xilligii ololaha ballan-qaaday inuu isbeddel la imanayo haddii uu guulaysto oo uu dadka reer Canada u hor-seedi doono is-beddelo muuqda.

HIMILOMEDIA
HARGEYSA OFFICE

No comments:

Post a Comment