Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo shalay Gelinkii dambe war-fidiyeennada kula hadlay Madaarka Hargeysa ka dib socdaal maalmo qaatay oo uu ugu maqnaa dalka Itoobiya, waxa uu sheegay in dawladda Itoobiya oo heerka duullimaadyada gudaha dalkeedu wakhtigan meel sare marayo, ay ballan-qaadeen inay Somaliland ka caawiyaan kobcinta heerka duullimaadyada maxalliga ah ee dalka.

“Mudadii aan joogay dalka Itoobiya waxaan la kulmay masuuliyiin badan oo kala duwan, waxaan la kulmay madaxda sare ee shirkadda Ethiopian Airlines, waxaanu ka wada hadalnay sidii loo kobcin lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga labada dhinac iyo sidii loo balaadhin lahaa duulimadyada ay shirkadaasi ku timaado Somaliland, gaar ahaan xeebta Berbera. Waxa kale oo madaxda shirkadda aanu u sheegnay in qiimaha Tigidhka ee duulimaadka Hargeysa iyo Addis Ababa uu aad u sareeyo, si loo xoojiyo is dhex galka laba bulshana loo baahanyahay in qiimahaas hoos loo dhigo,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.
Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi, “Xukuumaddani muhiimad weyn ayey siinaysaa inay dadka Itoobiyaanka ee ganacsadatada ah, kuwa dabaqadda dhaxe ah iyo muwaadiinta kaleba ay Berbera dalxiis u imaaddaan. Waxaynu leenahay xeeb aad u qurux badan oo nadiif ah oo ka wanaagsan xeebaha kale ee Geeska Afrika. Ujeeddo kale ayaa ah in dadka rakaabka ah ee reer Somaliland ee gobolada Bari ay duulimaadyadaasi ka faa’iidaystaan, arimahaas si weyn ayaanu isula fahanay.”
Wasiirku waxa uu sheegay inay dawladda Itoobiya ka ogolaatay inay Somaliland ka caawiyaan kor-u-qaadista duullimaadyada ay diyaaraduhu isaga kala gooshaan gudaha Somaliland. Waxa kale oo uu sheegay inay ballan-qaadeen tababarro loo fidinayo shaqaale ka tirsan wasaaradda.
“Waxaanu kulanay Wasiiru-dawlaha wasaaradda Gaadiidka Itoobiya Mr. Gitaju Menegiste iyo Maareeyaha guud ee hay’ada duulimaadyada Mr. Wesenyeleh Hunegnaw, waxaanu ka wada-hadalnay sidii ay Somaliland iyo Itoobiya iskaga kaashan lahaayeen arrimaha duulimaadyada iyo sidii loo samayn lahaa heshiis rasmiya oo wada shaqayneed oo is afgarad ka balaadhan. Waxa kale oo aanu ka wada-hadalnay oo aanu isla meel dhignay inay ina gacan siiyaan. Inaga Duulimaayadeedana madaniga ahi way soo korayaan, ka Itoobiya aad ayuu inooga sareeyaa waanu qaan gaadhay, waxaanu isla garanay inay Aqoon badan inoo kordhiyaan oo ay inoo tababaraan shaqaalaha Wasaaradda duulista. Wasaaradda gaadiidka ee Itoobiya iyo shirkada Ethiopian Airlines, waxay sanadkan tababaro xirfadeed siin doonaa ilaa 40 qof ka mid ah hawl-wadeennadda kala duwan ee wasaaradda duulista Somaliland,” ayuu yidhi Maxamuud Xaashi.
Isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray, “Xukuumaddani waxay muhiimad weyn u aragtaa in la horumariyo shaqaalaha, oo aqoontooda la kobciyo, muhiimaddu maaha in daaro qurux badan iyo waddooyin la dhiso oo kaliya, laakiin waa in la kobciyaa aqoonta shaqaalaha. Maanta waa horumar weyn deeqdaas aynu helnay, waana markii ugu horaysay ee ay Somaliland Duulimaadyadeeda Madaniga ah dawladda Itoobiya gacan qabato, waxaan jecelahay inaan aad uga mahad celiyo masuulyiinta dawladda Itoobiya oo si weyn noo soo dhaweeyey, taasi oo aan daaraneyn mid shaqsiya, balse salka ku haysay xidhiidhka labada dal oo maraya halkiii ugu sareeyey, laba dal oo walaalo ah, saaxiib ah, daris ah, wax badanna isla kaashada isuna baahan ayey nahay,” ayuu yidhi Md Maxamuud Xaashi Cabdi.
No comments:
Post a Comment