Saturday, October 4, 2014

Dawladda Ingiriiska oo Muwaaddiniinteeda Ka Mabnuucday inay u safraan Qaybo ka tirsan Waddanka Jabuuti

FCO 303 - Bangladesh Travel Advice [WEB]London, 04 Oct, 2014 (Himilo)- Dawladda Ingiriiska, ayaa Muwaaddiniinta dalkeeda u dhashay uga digay inaanay iman karin ama tegi karin qaybo ka tirsan Waddanka Jabuuti ee aynu deriska nahay, isagoo sheegay in sababo dhinaca nabadgelyadooda la xidhiidha ay uga mabnuucayaan Muwaaddiniintooda imashada ama tegista Jabuuti.

Waxa sidaas lagu sheegay qoraal War-gelin iyo digniin ah oo uu soo saaray shalay Xafiiska dawladda Ingiriiska u qaabbilsan socdaalka, kaasoo Muwaadiniintooda ay ku waregeliyeen, isla markaana ugaga digeen inaanay u socdaalin qeybo ka tirsan dalka Jabuuti, sababo argaggixiso awgeed.

Qoraalka Digniintan oo shalay Xafiiska FCO ee socdaalka u qaabbilsan Ingiriisku soo saaray, ayaa lagu sheegay inay jirto halis weerarro argagaxiso, isla markaana aan weerarro dhaca meesha laga saari karo, oo halis ah, laguna soo qaado qoobaha inta badan ajaanibka iyo dalxiisayaasha ku kulmaan.

Weerar Ismiidaamin lagu qaaday Maqaaxida La Chaumiere ee Caasimadda Jabuuti 24-ka bishii May, ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac ay ku jireen dad ajaanib ah, sidaa darteed ayaa lagu sheegay digniintan in fiiro gaar ah loo yeesho goobaha noocaas ah tegitaankooda.

“Maaddama aanu Ingiriisku ku lahayn Safaarad dalka Jabuuti, Qunsuliyadda Xushmaynta ahi taagero buuxda ma samayn karaan, isla markaa ka digtoonaada halista dhul-jiif, haddaad u socdaashaan magaalooyinka ka baxsan Caasimadda Jabuuti. Waxa gebi ahaanba looga digayaa Muwaaddiniinta Ingiriiska inay u safraan deegaammada Xuduudahah u dhexeeya Jabuuti iyo Eritrea.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka Digniinta ah ee ka soo baxay Xafiiska Socdaalka Ingiriiska u qaabbilsan ee FCO.

No comments:

Post a Comment