Hargeysa, 02 Oct, 2014 (Himilo)- Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Switzerland Mr. Yves Rossier iyo wefti uu hoggaaminayo oo dalkaas ka socda, ayaa markii u horeysay shalay socdaal ku yimi Somaliland, ayaa shalay kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, waxaanay halkaas kaga ballan-qaadeen inay dawladdoodu kordhinayso lacagaha deeqaha ah ee ay siiyaan Somaliland.
Weftigan ka kooban Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Mr. Yves Rossier iyo Safiirka Switzerland u fadhiya Nairobi ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa markii kulankaasi dhammaaday, waxa ay madaxweynaha ka wada-hadleen arrimo khuseeya wada-hadallada u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo dawladda Switzerland danaynayso inay ka qayb-qaadato dedaallada wada-hadallada u dhexeeya Somaliland io Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland oo ka warbixinayey ujeeddada socdaalka iyo waxyaabaha ay ka wada-hadleen weftiga reer Yurub, ayaa yidhi, “Waxaan soo dhawaynaya Wasiirka Switzerland iyo safiirka la socda, waana markii ugu horraysa ee wasiirka iyo weftigiisu noo yimadaan. Waxa aannu ka wadahadlaynay sidii labada dal cilaqaad u yeelan lahaayeen, sidii hore u marin lahayn cilaqaadkii hore ee jiray. Waxa aan uga mahadnaqaya waxtarka ay had iyo jeer na siiyaan, iyagoo iminka ballanqaaday in ay waxqabadkooda sii kordhiyaan, kuna daray $ 2,000,000 (Laba milyan dollar) dhaqaalaha caawimada ah ee ay bixinayaan.”
Dhinaca kale, wasiirka khaarajiga dalka Switzerland, ayaa sheegay inuu madaxweynaha Somaliland kala hadlay dhibaatooyinka ka taagan Soomaaliya iyo kaalinta ay dawlad ahaan Somaliland ka qaadan karto xasilinteeda.
“Switzerland dhinacyo badan ayey Somaliland iyo gobolka kala shaqeysaa hadday tahay horumarka. Waxaan madaxweynaha Somaliland sala garanay in qiilka ugu wanaagsan ee Somaliland haysato tahay qadarin, taasoo aasaaskeedu yahay doorashooyin xor ah, madaxbanaanida saxaafadda, bulsho xasiloon, oo qeyb ka ah nidaamkooda maamul,” sidaas ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibadda Switzerland.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi,
“Waxaan ka wada hadallay mushkiladaha ka taagan Koonfurta ama Soomaaliya iyo kaalinta Somaliland ka geysan karto wax ka qabashadeeda. Dalka Switzerland waxuu go’aansaday inay kordhiyaan laba milyan oo doolar taageerada ay ku bixin jireen sanduuq baanka adduunka maamulo oo mashaariicdooda qaarkood Somaliland laga fuliyo.”
Wasiirka Arrimaha Dibadda Switzerland waxa uu iftiimiyey in dawladiisu danaynayso dhex-dhexaadin siyaasadda Soomaalida, gaar ahaan Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay mid dan u ah mandaqadda Geeska Afkrika.
“Waxaan sidoo kale ka wada xaajoonay sidaan qeyb uga noqon lahayn wada-xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo aan keliya wax weyn u ahayn Somaliland balse guud ahaan gobolka,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Switzerland.
Weftiga shalay socdaalka ku yimi ee ka socday dalka Switzerland oo muddo dhowr maalmood ah ku sugnaan doona dalka, ayaa 30-kii bishii dhammaatay ee September socdaal ku tagay magaalada Muqdisho ee dalkaasi Soomaaliya, halkaas oo ay kulamo kula qaateen Raysalwasaaraha waddankaas iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada.
No comments:
Post a Comment