Thursday, October 2, 2014

Madaxii Laanta Sirdoonka Maraykanka Oo Iska Casishay Xilkii ay Haysay

Washington:Oct,02,2014(Himilo)-Madaxii Laanta sirdoonka Maraykanka Julia Pierson, ayaa iska casishay Xilkii ay Ka Haysay Xukuumadda Madaxweyen Obama.

juliyoSababata ay Haweenaydani xilka iskaga Casishay, ayaa Lagu sheegay fadeexad ka dhalatay Nin Middi sitay oo dhawaan usoo dhacay Aqalka Cad ee Madaxweyne Obama saldhigga u ah.

Afhayeenka madaxweynaha ayaa sheegay in Ms Pierson ay qaaday masuuliyadda dhalliilaha loo jeedinayo laanta ay hogamineysay.

Arrintan meel kaga dhaca amniga waxay ahayd qiyaastii laba isbuuc ka hor, balse 24-kii saac ee ugu dambeeyay, waxey xaaladda si gaar ah ugu xumeyd agaasimaha laanta sirta, Julia Pierson.

Waqti xaddidan ayaa la siiyay markii ay ka hor muuqatay guddi ka socday Kongreeska shalay.

Xilli kastaa waxaa soo bexeysay eed cusub, waxaa markii hore la sheegay in si dirqi ah uu ninkani uga gudbay albaabka Aqalka Cad, kaddib waxaa shaaca laga qaaday isagoo badhtamaha dhismaha ku sugan ka hor inta aan awood loo adeegsan.

Shalay waxaa daaha laga rogay in laba isbuuc ka hor, askeri ilaalo ah oo sita qori, oo ay la socdaan saddex qof oo la xukumay oo Madaxweyne Obama la saaran wiishka guryaha lagu koro, taas oo si cad u dhaaweceysa anshaxa laanta sirta, ee qaabilsan ilaalada madaxweynaha.

Aqalka cad ayaa shalay sheegay inay weli ku kal soon yihiin Ms Pierson, dhowr saac kaddib markii ay sharaxayeen sababta ay sax u tahay inay is casisho.

Afhayeenka madaxweynaha Mareykanka ayaa amaantay xirfadda Ms Pierson, laakiin waxay sheegtay inay aqbashay masuuliyadda dhalliilaha la soo gudboonaatay laantii ay madaxa ka ahayd.

 

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment