Tuesday, October 7, 2014

Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay la-wareegidda Xaruntii Guud ee Al-Shabaab, Caalamkana Baaq u diray

Muqdisho, 07 Oct, 2014 (Himilo)- Raysal-Wasaaraha Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan, ayaa ka hadlay tallaabada ay kula wareegeen magaalada sannadihii u dambeeyey xarunta guud u ahayd Kooxda Al-Shabaab ee Baraawe oo ka tirsan gobolka Shabeellada hoose ee dalkaasi Soomaaliya, taasoo ay Al-Shabaab Arbacadii ka baxday.
abdiweliii-697x366Raysal-Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa Shir Jaraa’id oo ay isaga iyo Masuuliyiinta Amniga qaabilsani shalay ku qabteen Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Ciidammada Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midawga Afrika si buuxda ama dhammaystiran subaxnimadii Isniinta ee shalay ula wada wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Baraawe.
Waxa uu Raysal-wasaaruhu sheegay in tallaabadani ay iftiiminayso guul-darro baahsan iyo jab soo gaadhay Al-Shabaab, isla markaana ay tahay furaha guusha Shacabka iyo dawladda Soomaaliya iyo dhinacyada ka gacan-siinaya dagaalka ay dawladdu kula jirto Al-Shabaab.
Shirka Jaraa’id ee ay wada-jirka u wada qabteen shalay Raysal-wasaaraha iyo Wasiirrada Gaashaandhigga, Amniga Qaranka, Arrimaha gudaha, Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya, Taliyaha Nabad-Sugidda iyo Xubno kale, ayaa noqonaya warkii u horreeyey ee ay sidan oo kale ugaga hadlaan Madax tiradan lihi la wareegidda Degmada Baraawe ee ay ka baxday Kooxda Al-Shabaab.
“Ciidammadayda geesiyada ah iyo kuwa AMISOM waxay la wareegeen degmada Baraawe oo ahayd xaruntii ugu weynayd ee Al-shabaab. Dadka reer Baraawe oo ah kuwo nabadda jecel aad ayay u soo dhaweeyeen in laga dul-qaaday cabbudhintii ay ku hayeen Al-shabaab. Howlgalladu waa kuwa socon doona illaa Soomaaliya oo dhan laga cidhibtiro argagixisada,” Sidaa waxa yidhi Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed. Waxaanu Hambalyo u diray Ciidammada Soomaaliya iyo Kuwa AMISOM oo uu sheegay inay geesinnimo muujiyeen.
Raysal-wasaaraha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi, “Hawlgallada socda ujeedkoodu waa in xididdada loo siibo Al-Shabaab; sababtoo ah waxay khatar ku hayaan dadka ku nool deegaannada ay gacanta ku hayaan, waxaan mar labaad ugu baaqayaa dhallinyarada ay qaldeen argaggixisadu in 45-kii cisho ee dawladdu u qabatay weli aanay dhammaan, kuwa weli dagaallamaya waxaan mar kale ugu baaqayaa inay fursaddaas ka faa’iidaystaan oo ay dawladda isu soo dhiibaan si ay naftooda iyo mustaqbalkoodaba u badbaadiyaan.”
Waxa uu Raysal-wasaaraha Federaalka Soomaaliya ugu baaqay Beesha Caalamka inay gurmad iyo gargaar degdeg ah la soo gaadhaan Shacabka muddada badan ay Al-Shabaab dhibaatada ku haysay ee ku dhaqan magaalada Baraawe iyo nawaaxigeeda.
Raysal-Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, waxa uu dadka Shacabka ah ee reer Baraawe ka codsaday in iyagana dhankooda looga baahan yahay in sida ay Ciidammada u qaabileen si ka sii ka wacan ula shaqeeyaan, kana gilgishaan heeryada Al-Shabaab ee sannadaha badan saarnayd dushooda iyo cabbudhintii iyo dhibaatooyinkii kale ee ay kooxdaasi ku haysay.
Sidoo kale, Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdillaahi Goodax Barre oo shirka jaraa’id ka hadlay, ayaa sheegay in la isku furi doono waddooyinka gobollada laga qabsaday Al-shabaab, dhawaanna la geyn doono kaalmo deg-deg ah iyo Ciidammo isugu jira Boolis iyo Nabad-sugid si amniga loo xaqiijiyo.
Taliyaha Ciidammadda xoogga dalka Soomaaliya Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) oo ka jawaabayey su’aalo ay weydiiyeen Weriyeyaashu, ayaa isna tilmaamay in Al-Shabaab aanay u baabac-dhigi karin Ciidammada Soomaaliya, isla markaana ay maciin bideen inay ku dhuumaalaystaan goobaha magaalooyinka ka fog.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment