War kasoo baxay Maxkamadda ICC ee magaalada Hague ee dalka Netherland, ayaa lagu sheegay in ICC ay dirtay codsigan, waxaana Madaxweyne Al-Bashiir loo haystaa in Denbiyo xasuuq u badan uu ka geystay gobolka Darfuur illaa iyo sannadkii 2009-kii.“Bishan kowdeedi, waxaan ogaannay in Cumar Xasan Al-Bashiir uu gaadhay Salaasadii la soo dhaafay Sacuudiga si uu u guto waajibaadka Xajka,” ayaa lagu yidhi War qoraal ah oo ka soo baxay Maxkamadda maalin ka dib markii Madaxweynaha Suudaan uu u duulay dalkaas.
Waxa kale oo warka ka soo baxay ICC ay dawladda Sacuudiga kaga dalbatay in ay ixtiraamaan qaraarkii ay saxeexeen dawladaha xubnaha ka ah Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay sannadkii 1593-dii, kaasoo hoosta ka xariiqaya in si dhammaystiran loola shaqeeyo Maxkamadda.
Masuuliyinta dawladda Suudaan ayaa ka gaabsaday in ay wax faahfaahin ah ka bixiyaan warka ka soo baxay Maxkamadda Hague, waxaana Madaxweyne Cumar Al-Bashiir ku weheliya Safarka uu ku joogo Sacuudiga Masuuliyin Xukuumaddiisa ka tirsan.
Bilawgii sannadkan dawladda Sacuudiga, ayaa hakisay xidhiidhka Ganacsi ee ay la lahayd ama ka dhexeeyey dawladda Sudan, lamana hubo in dawladda Sacuudigu ay aqbali doonto dalabka uga yimi ICC ee arrintan qabashada ama xadhigga Madaxweynaha waddanka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir la xidhiidha, mana jiro weli wax jawaab ah oo dalabkan Maxkamadda Hugue ku saabsan oo ka soo baxay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment