Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 27aad
Kol haddaan la Koreyn
(Xafladdii Qalin-jebinta Hormadii 11aad ee Jaamicadda Hargeysa)
Haddaad tahay guur-u-meer,
Garaabo adoon qub-qubin,
Adoon ummadda isku gubin,
Dadweynaha soo gab yidhi,
Waxaad ka gadayso mari,
Abaalkana waa gudnaa,
Waxaad noo gashee horiyo,
Gadaal waxaad maaggan tahay,
Bal noo sheeg waa golee,
Waxay dadku kaa guntaan,
Maansadii Gurmad ee Macallin Gaarriye, 20/10/2005tii,
Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
4/10/2014ka, Hargeysa,
Qormada 2aad
Madaxweynaha imaatinkiisii Jaamicadda, Unugyo ciidammo ah ayaa ka soo horreeyay oo kala duwan. Horumarku wuxu ku jiray in ciidammada Odeyga ilaalinayay qaarkood hubkoodu asturaan isla markaana ay suudh iyo isku-joogyo ku lebbisnaayeen. Bravo! Baamboygii ayaa iyaguna meesha joogay oo durbaan iyo daramalba noo qaatay. Salaan ayaa loola joogsaday Madaxweynaha. Waxa dabo-yaacaya waad yaabtaa maahee, ciddiyaha ayaad iska guraysay. Taliye ciidan ma maqnayn! Wasiirro hadalkooda daa. Inta xilka iyo maamuuskaba u taqaan Madaxweynaha oo la ag joogo, la isku ag sawiro, la ag fadhiisto, hadba dhegta wax loo saaro iyo waxyaabo aynu innagu ka xishoonayno, ragga qaar se wax isku moodayaan. Waana xanuun nafsiya oo dadka ku dhaca. Waa mararka uu qofka sidaa yeelaya naftiisu isu qaato in uu yahay Madaxweynihii oo gafuurka iyo ganafkaba taago.
Garan meysid sababta Odeyga Qaranka culayska intaa le’eg iyo rasmiyaadka caynkaas ah loo saaro. Waa immisa maalmood? Waa Cammuud…..Waa Golis…..Waa Alpha……Waa Admas…… Waa Jaamicadda Hargeysa…….Qaar kalena siraad ayaa lagu doon-doonayaa. Geeska iyo ‘New Generation’ ma maqal in Madaxweynuhu tegay.
Laakiin Jaamicadda Hargeysa wax baa ku cusbaa. Waa ka-qayb-galkii Xisbiyada Mucaaradka ah. Arrin qarsoon ma ay ahayn. Feysal Cali Waraabe ayaa hadalkiisa ku daray in aanay Jaamicaddu soo casuumin, bal se ay Madaxtooyadu ku soo casuuntay Xafladdan Qalin-jebinta. Taasi waxay ka dhigan tahay intii ay xaflado hore ka maqnaayeenna in ay Madaxtooyadu ka hor joogtay. Waa sida uu hadalku u dhadhamayo, xukuumaddu se hadalkaa Feysal sacab xoog leh ayay u tuntay. Mooyi, laga yaabaa in ay mar danbe fahmaan wuxuu uga jeeday.
Dadkii aan dhinac fadhiyay ee Jaamicadda Hargeysa hagayay waxaan ka ogaaday in ay Xisbiyada Mucaaradku Xafladda imanayaan oo ay weliba ka hadlayaan. Tallaabadan haddii ay Xukuumad noqoto iyo haddii ay Jaamicad noqotaba waa ay ku mahadsan yihiin, waana tallaabo horumar iyo ididiilaba muujinaysa. Mucaaradka waxa looga baqdaa in ay Xafladaha caynkan oo kale ah xukuumadda ku naqdiyaan. Run ahaantii looma baahna in ardayda horteeda la isku jiid-jiito. Waxa fiican in madal walba hadalkeeda iyo milgaheeda laga yidhaahdo. Tabaalaha muuqda ee dal iyo dadba aafada ku noqday lagama aammusi karo. Waa la soo qaadayaa oo waa laga hadlayaa. Taas, macnaheedu ma ahaa dhalliil ama cay xukuumadda loo jeedinayo.
Tusaalayaal nool aan soo qaadanno. Tahriibka waa laga hadli karaa. Waa aafo qaran. Xukuumaddu ma ay samayn, keligeedna waxa kama qaban karto. Waa hawl inoo wada taal. Shaqo-la’aantu waa aafo kale. Xukuumaddu ma ay samayn. Keligeedna wax kama qaban karto. Waa hawl inoo wada taal. Qaadka ayaa la mid ah. Qabyaaladda ayaa la mid ah. Xukuumaddu kaalin hoggaamineed ayay ku leedahay. Shaqaale dawladeed ma wada noqon karno xataa haddii ay ina wada hawl-gelin karto. Danteenna iyo dimuqraadiyadda ayaan ku jirin in meel la inaga wada masruufo oo hunguriga mar la ina wada qabto.
Aaafo kasta waxyaabo sababaya iyo waxyaabo daawo u ah ayaa jira. Tahriibka oo kale, da’-yarta qaarkeed waxay u qabaan in Qurbo-joogga aan u baahnayn ee la shaqaalaynayaa ay aafooyinka ka mid tahay. Bal hadda ila eega Farxaan Cismaan Diiriye e-mail uu ii soo diray markii uu qormadan akhriyay: “….Ta danbe waa Tahriibka e’, halkan aan joogno Europe waxa aad looga dareemey in Qurba-joogga Dawladda Ka shaqeeya ama qabsadey ka mid yahay sababaha ugu waaweyn ee caruurtu u soo tahriiban. Passporka ayaa la qiimeeyaa ee Shahaadad Jaamacadeed laguma qiimeyn suuqa shaqada.” Beryihii SNMtana Qurbo-joogga hoggaankii markaa jiray waa uu jeclaa oo Axmed Warsame (Baalle-cadde) oo ruug-caddaagii ka mid ahaa ayaa laga guntay: “Inta aan dhoofo ayaan soo noqonayaa, safka halka ugu horreysa ka gelayaa.” Sidii ayuu Axmedna weli inagaga maqan yahay.
Kuwa Xafladaha noocaas ah abaabulayaana waa in ay iska daayaan guul-wadaynta raqiiska ah ee madaxda dalka qaarkood ay munaasbadaha kaga hor joogsanayaan. Waa sida ka dhacday Jaamicadaha qaarkood ama ay qaarkood dhaqanka iyo caadadaba ka dhigteen. Jaamicaduhu waa in aanay cidna la colloobin, cidna si gaar ah ula saaxiibin, illeyn carruurta dadkaa dhalay ee Xukuumaddu ma wada dhalin e’. Dadkuna carruuraha waxay Jaamicadaha u geystaan in ay cilmi, aqoon, akhlaaq, diin, anshax suubban iyo xishmaynta soo bartaan.
Jaamicaduhu waa goobaha fekerka iyo mala-awaalka halbowlaha u ah. Jaamicadaha male-awaal hor leh ayaa la soo bandhigaa, la difaacaa oo xaqiiq la barto isku roga. Jaamicaduhu ma aha xarummo ciidan oo dadka lagu jiheeyo amar-qaadashada, durbaan-tumidda iyo guul-wadeynta. Guddoomiyayaasha iyo Hormuudyada Jaamicaduhu waa in ay hoggaan toosan iyo tusaale lagu daydaydo ardayda u noqdaan ee ma aha in ay noqdaan darkii sacabka iyo mashxaradaha madhan.
(La soco maalinta Axadda, haddii Eebbe idmo)
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment