War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu hambalyo iyo boogaadin u dirayaa munaasibada CIIDAL ADXADA awgeed dhamaanba shacabiwaynaha Somaliland iyo umadda muslimiinta ah,wuxuu alle inooga rajaynayaa inuu inaga aqbalo cibaadada, isagoo ALLE uga baryaya inuu u naxariisto intii dhimatay inta xanuunsanaysana caafimaad dagdag ah siiyo, sanadkan kiisana bash-bash iyo barwaaqo inagu gaadhsiiyo.
Aamin Aamin Aamin
ALLAH MAHAD LEH
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Md. Muuse Biixi Cabdi
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment