Saturday, October 4, 2014

Maayarka Caasimadda oo farxadda Ciidul-Adxada la wadaagay Maxaabiista ku jirta Xabsiga Hargeysa oo uu Laba Gool u Qalay

Hargeysa (Himilo)- Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa isla markaana ah Maayarka Caasimadda Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa maanta hilib Qaydhiin ku wareejiyey maamulka Xabsi weyn ee magaalada Hargeysa, isaga oo ugu talo-galay in maxaabiista ku jirta xabsiga.

Maayarka Hargeysa waxa uu laba Gool (Awr) u qalay maxaabiista  si ay farxadda Munaasibadda Ciidul-Adxaha  ula qaybsadaan umadda Muslinka ah, gaar ahaan shacabka Somaliland.

maayarka iyo taliyeyaasha asluubtaLabada neef ee Maayarku ugu deeqay Maxaabiista Jeelka, ayaa ku soo beegantay oo ay dhowr maalmood ka dambaysay hawl-gallo nadaafadeed oo dawladda Hoose ee Hargeysa ka samaysay Xabsi, iyada oo qaybta Hygeine-ta ee D/Hoose buufin iyo olole Nadaafadeed ka fulisay qolalka maxaabiistu ku jiraan.

Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland oo goob-joog ka ahaa deeqda Maayarku ugu talo-galay Maxaabiista, ayaa uga mahad celiyey Maayar Soltelko garashada uu ajiibay inuu maxaabiista kala qayb-qaato farxadda Ciidda, waxaanay maayarrada kale ee magaalooyinka dalka ugu baaqeen inay dhiggooda Hargeysa kaga daydaan tallaabada uu horseedka ugu noqday.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta Col Xasan Cali Dheere, ayaa Maayarka ku amaanay sida uu uga war-hayo xaaladda Maxaabiista iyo xabsiga.

Hilibkii“Maayarka Caasimadda mahadnaq gaar ah ayaan u naqayaa, Waa maayarkii kowaad ee gartay in dadka xidhan uu masuul ka yahay oo uu maanta xoolo u qalo, waa markii shanaad iyo lixaad ee uu xabsigan soo booqdo mar walbana diyaar  buu u yahay inuu wax nala qabto, maxaabiista xidhan ee sharciga jabiyey waxay u baahan yihiin u qabto, illaahay baa garan siiyey inay yihiin dadkiisii oo sharciga khilaafay, waxaana maanta noo sharaf ah in dadkii ku xidhna xabisigan dhexe ciida carafe  kula dhex ciidano,kuwas oo ku faraxsan xoolo loo qallay,” ayuu yidhi Kornayl Xasan Cali Dheere.

Taliyaha Ciidanka Asluubta  Sarreeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), ayaa maayarka ku bogaadiyey taageerada uu siiyo maxaabiistaa. “Aad baan ugu faraxsnahay in Maayarku xabsiga noogu yimaado isagoo u keenay maxaabiista laba Awr oo uu kala ciido, xaq bay u leeyihiin inay dadkooda salaamaan. Waxa kale oo aan farriin u diriyaa sida maayarka Hargeysi maxaabiista ula shaqeeyo waa in maayarada kale kaga daydaan, maayarku waa nin dhalinyaro ah oo ka warhaya wax walba oo maxaabiistu u baahato haddii ay biyo tahay iyo hadii nadaafad tahayba, taariikhdaana qori doonta nin walba waxa uu umaadiiisa u qabto,” ayuu yidhi Taliye Xiiran.

Maayarka Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Caydiid Soltelko oo halkaas ka hadlay,  ayaa war-bixiyey kaalinta ay dawlad hoose ahaan ka qaataan taakuleynta maxaabiista jeelasha ku jirta iyo Dadka Dhimirka ka xannuunanaya ee lagu daryeello cusbitaallada Dhimirka ee dawladda Gacanta ku hayso maamulkooda.

hilib geella“Aad baan ugu faraxahanay in dadkii sharciga ku gafay ee wixii ciqaab lahaayeen maxkamaddu mariyeen in aanu casuumad u samayno,  anagoo eegayna xaqa bani’aadanimo iyo dadnimo ee ay inagu leeyihiin, Dawlad Hoose ahaan, waxaanu iska xilsaarnay in dadka xidhan iyo kuwo ilaahay maskaxda ka qaaday  oo labaduba ay ka mid yihiin kuwo aanu xukuno aanu wax u qabano, oo kuwan xidhan waaba la soo boqdaayoo eheladoodda ayaa cuntada u keenee, kuwa maskaxda ka xanuunsanaya ee ehel iyo qaraabo toona lahayn waxaanu u qornay soddan neef oo adhi ah, waxaana jeelashana ka fulinaa in aanu buufino iyo in aanu nadaafadoodda ilaalino,” ayuu yidhi Maayar Soltelco.

Sidoo kale, maayarku waxa uu salaanta Ciidul Udxiya u diray Madxweynaha, marwadiisa, madaxweyne ku xigeenka iyo marwadiisa, madaxda xisbiyadda qaranka iyo goleyaasha Qaranka iyo shacabka reer Somaliland, gaar ahaan shacabka uu Maayarka u yahay ee ku dhaqan caasimadda dalka ee Hargeysa.

Sidoo kale, Maayarku waxa uu umahad naqay taliyaha iyo kuxigeenka ciidanka Asluubta oo uu sheegay inay si wanaagsan ula shaqeeyaan, isla markaana wax badan ka qabteen nidaamka iyo adeegyada Jeelasha dalka.

Himilomedia.com

Hargeysa/Somaliland

No comments:

Post a Comment