
Magaalada dadkii deganaa badankooda waa ay ka barakaceen, dadka ku haray Magaalada, ayaa sheegaayo inay arkayaan ciidamo badan oo Amisom iyo kuwa Dowladda isugu jira oo Magaalada si aad ah ugu qul-qulaaya.
Wararka waxa ay sidoo kale sheegayaan in ciidamada Huwanta ay difaacyo ka sameysteen ilaa saddex Koontarool oo banaanka Magaalada ah, si ay halkaasi isaga ilaaliyaan weeraro culus oo Xoogaga Shabaab ay ku soo qaadaan.
Magaalada Barawe, ayaa ahayd magaaladii ugu weynayd eekusii hadhsanayd Gacanta kooxa Al-shabaab, waxana haatan ciidamada dagaalka kooxdan ka dhanka ah ku jiraa isu diyaarinayaan inay kaga daba tagaan Goobaha koob-kooban ee wali kooxdu gacanta ku sii hayso.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment