Wednesday, October 1, 2014

Madaxweynaha Kenya Oo Guuldarro Kala Kulmay Codsi Uu Maxkamadda ICC-da U Gudbistay

Nairobi:Oct,01,2014(Himilo)-Madaxweynaha Dalka Kenya, ayaa diidmo kala kulmay Codsi uu gudbistay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada Dagaalka, kaas oo ahaa inuu Qaab Video ah kaga qaybgalo dhegaysiga Dacwaddiisa.

kenyaaTodobaadkii hore madaxwaynaha ayaa ku cudur daartay in uu aad mashquul u yahay, isla-markaana uu codsanayo inuu Video kaga qaybqaato Dacwaddaas, balse taasi ma ay dhicin oo waa laga diiday.

Uhuru Kenyatta waxaa lagu eedeeyay in uu maleegay rabshadihii dhacay doorashadii lagu murmay ee 2007-dii oo ay ku nafwaayeen kun iyo laba boqol oo qof, Dhammaan eedahaasna wuu iska fogeeyay madaxweynaha Kenya.

Maxkamadda ICC ayaa amartay in Madaxwayne Uhuru Kenyatta uu shaqsiyan uga soo qaybgalo fadhigaasi maxkamadda ee todobaadka soo socda.

Codsigii uu ku doonayay in laga dhaafana maxkamadda ayaa diiday, waxayna sheegtay in la falanqeynayo arrimo adag oo si toos ah ula xidhiidha danaha eedaysanaha, dhibanayaasha iyo markhaatiyadaba.

Todobaadkii hore madaxwaynaha qareenadiisa ayaa geeyay codsi sheegaya in Uhuru Kenyatta uu godoomiye ka yahay ururka dalalka Bariga Afrika ayna sii qorshaysnayd in isla maalinta ay maxkamu rabto in uu ka qaybgalo shir ay madaxwayneyaasha wadankaasi ku yeelanayaan magaalada Kampala, maalinta ku xigtana uu ka qaybgalayo madaxbanaanida dalka Ugandha.

Dacwad oogaha maxkamadda ICC Fatou Bensuda ayaa sheegtay in aanay helin sabab cad oo ay madaxwaynaha ugu loogu ogolaan karo in uu muuqaal ahaan kaga qaybgalo dhageysiga dacwadda oo aan ka ahayn darajadiisa iyo baaxada ay tahay in uu ku safro.

Maxkamaddu waxa ay ku dooday in shirkaas la sheegay inuu Uhuru Kenyatta ka qeybgalayo, la go'aamiyay intii maxkamadu ay maalitaasi cayimatay kadib.

Maxkamadaynt madaxwaynaha Kenya waxaa dib loo dhigay dhawr jeer, iyada oo markhaatiyaal muhiim ah ay saga hadheen kiiska, waxaana jira eedaymo sheegaya in loo cagajugleeyay ama loo hanjabay.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment