
“Waa falal beryahan inagu soo kordhay oo aynaan aqoon saraakiil baa haatan kahor lagu laayey qorilugud askari baana laayey laakiin ma aha falal wada Xidhiidha.” Ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in sarkaalka Arabsiyo lagu dilay uu ka ayaan badnaa saraakiishii lagu laayey deegaanka Qorligud, waxana uu sheegay inay xukuumadda ay ka Go’an tahay in sharciga la mariyo, waxana uu yidhi,
“Sarkaalkani waa ka nasiib badan yahay saraakiishii lagu dilay qoriligud, waayo gacan-ku-dhiiglihii lama qaban, laakiin kan waa la qabtay Xukuumad ahaan waxa ka go’an in gacankudhiiglaha la mariyo tallaabada ku haboon, maxkamad baana ku socota, tallaabada ku haboon oo aan filayo in qaranka Somaliland iyo ehelladii marxuumkuba ku qanic doonaan.”
Wasiir Saleebaan Xaglo-toosiye ayaa kamid ahaa saraakiil xukuumadda ka tirsan oo uu hoggaaminayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Oo Maanta sii sagootiday Taliyihii Saldhigga Degmada Arabsiyo Marxuum Cabdi Ismaaciil Xaaji Cali oo shalay askari ka tirsan Ciidankii uu xukumayey ku toogtay Isla Arabsiyo.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment