Madaxweynaha ayaa xilka kala wareegaya Madaxweyne-ku-xigeenkiisa,waxaana Qareenadda u doodaya ay ku guuleysteen in la soo fasaxo,iyadoo aan ilaa iyo hadda lagu guuleysan in Maxkamadda lagu soo bandhigo dacwaddo cadeyn-wadata oo xaqiijinaya inuu ka qeyb-qaatay dagaalkii ehliga ahaa ee 2007-dii ay ku dhinteen 1200-Keenyaati ah,waxayna u badan-tahay hadii dembi lagu waayo in Maxkamadda laasho dembiyadii lagu soo eedeeyay.Kumanaan kun oo taageerayaashiisa ah ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka,iyadoo inta badan Shacabka Kenya ay la safan-yihiin Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Mudane Kenyata ayaa taageero indhosarcaad ku ridday kala kulmay shacabkiisa, waxana u helay dareen ah inay sii daciifayaan Mawjadihii mucaaridka ahaa ee dhawaan dhinaca gudaha kaga kacay.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment