Thursday, October 9, 2014

Shakhsigii Cudurka Ebolaha Geeyey Dalka Maraykanka Oo Geeriyooday Xalay

Dallas:Oct,09,2014(Himilo)-Tomas Eric Duncan oo ahaa   ninkii dhawaan Cudurka Ebolaha keenay Dalka Maraykanka ayaa la xaqiijiyey inuu xalay ku geeriyooday Cisbitaalkii uu ku jirey.

seorninkan ayaa la sheegay inuu cudurka soo qaaday xili uu dhawaan safar ku tagay wadanka Liberia, waxana uu in muddo ah la tacaalayey xanuunkan.

Maraykanka ayaa hada isha ku haya 10 qof oo kamid ah ehelada iyo asxaabta ninkan oo laga cabsi qabo in cudurkan uu qaadsiiyey, wallow aan la xaqiijin inay cudurkan qabaan. Cudurka Ebola ayaa qaata muddo 21 maalmood ah in lagu ogaado qof inuu qabo.

 

Dawladda Maraykanka ayaa xaqiijisay Dhimashada ninkan, waxana madax sare oo hadashay ay sheegeen inay ka xun yihiin dhimashada Mr Duncan, kaas oo ay sameeyeen waxkasta oo lagu badbaadin karayey.

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay inay ciidamo dheeraad ah oo gaadhaya 4 kun u direyso dalka Liberiya si ay ulla dagaalamaan cudurkan.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment