Marwo Aamina Waris waxa ay ubadka ku jira xaruntaas oo ay ka war-hayso xaaladooda sannad kasta ay saaka hadyad ahaan ugu geysay Xaqul-Ciid ay ubadka ugu talo-gashay si aanay u tebin waalidkooda ka maqan isla markaana ay ula mid noqdaan Carruurta qayrkood ah ee la nool waalidkooda.

Sidoo kale, Marwo Aamina-Waris Maxamuud Jirde waxa ay kormeer ku martay carruurta yar-yar eek u jira Xoolaha oo ay xaaladdooda ka waraysatay maamulka Xarunta oo uga warbixiyey duruufaha nololeed iyo heerarka kala duwan ee korinta ilmuhu soo marto inta uu xarunta ku jiro.
Xarunta lagu daryeello Agoomaha Hargeysa oo maamulkeeda ay xukuumaddu gacanta ku hayso, waxa ay ku taallaa Xaafadda Jigjiga Yar-yar ee magaalada Hargeysa.
DAAWO SAWIRRADA
[gallery columns="4" ids="9332,9333,9334,9335,9336,9337,9338,9339,9340,9341,9342,9343,9344,9345,9346,9347,9348,9349,9350,9351,9352,9353,9354,9355,9356,9357,9358,9359"]
No comments:
Post a Comment