Saturday, October 4, 2014

Madaxweynaha oo Saaka Salaadda Ciidul-fidriga la oogay Kumanaan Shacabka Reer Hargeysa ah iyo nuxurka baaq uu u diray

Hargeysa (Himilo)- Madaxweynaha Qaranka Somaliland  Md Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo ay wehelinayaan xubno ka tirsan golihiisa Wasiirrada, ayaa saaka la tukaday kumanaan ka mida shacbiga ku dhaqan Caasimada Somaliland ee Hargeysa oo uu kala qayb-qaatay Salaada Ciidal Adxa oo uu kula tukaday Musjid-jaamaca weyn ee Hargeysa.

Madaxweynaha oo Salaadda ka dib khudbad kooban ka jeediyey , ayaa shacbiga ku Hambalyeeyey Munaasibada Ciidal Adxa, waxaanu dhammaan shacbiga u rejeeyey guul iyo barwaaqo inay ku gaadhaan sannad sannadkiisa.

DSC_0165Md Siilaanyo waxa uu shacbiga Somaliland ku amaanay dhiiranaanta iyo feejignaanta ay qarankooda la barbar taagan yihiin, waxase uu ku ku boorriyey inay nabadgelyada ilaashadaan kuna dedaalaan inay meel uga soo wada-jeestaan cid kasta oo dibin-daabyo ku haysa qaranimadooda.

Khudbadda ka dib waxa uu madaxweynuhu lug ku soo dhex maray shacbigii uu la tukanayey ee ku sugnaa barxada hore ee masjidka, una soo gudbay ilaa uu soo gaadhay badhtamaha Suuqa, isaga oo shacbiga gacmaha u taagay kuna salaamayey Ciid Mubaarik, Ciid Mubaarik, Ciid Mubaarik.

Markii uu madaxweynuhu muddo soo dhex-lugeeyey Suuqa, waxa uu dhinaca Aqalka Madaxtooyada u soo raacay Baabuurkiisa, halkaas oo uu munaasibadaha noocan oo kale ah uu ku qaabilo bulshada qaybaheeda kala duwan.

[gallery columns="4" ids="9288,9289,9290,9291,9292,9293,9294,9295,9296,9297,9298,9299,9300,9301,9302,9303,9304,9305,9306,9307,9308,9309,9310,9311,9312,9313,9314,9315,9316,9317,9318,9319,9320,9321,9322,9323,9324,9325,9326,9327"]

 

No comments:

Post a Comment