Thursday, October 2, 2014

Maxkamadda Ciidamada Qalabka-sida oo Xukun dil ah ku ridday Askari toogasho ku dilay Taliyihii Saldhigga Booliska Arabsiyo oo shalay Hargeysa lagu Aasay

Hargeysa, 02 Oct, 2014 (Himilo)- Maxkamadda Ciidamada Qalabka-sida ee Somaliland, ayaa shalay gelinkii hore la geeyey Askari maalintii Salaasa ee dorraad toogasho ku dilay Alle ha u naxariistee Taliyihii Saldhigga Booliska magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabiley oo shalay aas qaran loogu sameeyey magaalada Hargeysa.

Allaah ha u naxariistee Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Cabdi Ismaaciil Cali (Cabdi-Case), ayaa shalay gelinkii dambe ugu geeriyooday cusbitaalka Guud ee Hargeysa dhaawac ka soo gaadhay toogasho uu kula kacay mid ka mid ah Askarta Saldhigga uu xukumayey ee Arabsiyo iyaga oo wakhtigaas gudaha magaalada Gabiley.

taliyahaGacan-ku-dhiiglaha dilka geystay, ayaa subaxnimadii shalay dhegaysiga kiiskiisu ka bilaabmay Maxkamadda Ciidamada Qalabka-sida, waxaana goob-joog ka ahaa Saraakiil ciidan iyo Taliska Maxkamadda Sare oo go’aanka xukunka ku dhawaaqay.

Maxkamadda oo socotay muddo dhowr saacadood ah, ayaa ugu dambayntii go’aan ku gaadhay inay xukun dil ah ku riddo Askariga gacan ku-dhiiglaha ah, sida ay noo xaqiiyeen saraakiil ka tirsan Taliska booliska oo aanu arrintan wax ka weydiinay. Haseyeeshee muddo cayiman looma qaban wakhtiga la fulin doono xukunka dilka ah.

Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay dilka sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska gelinkii dambe ee maalintii Salaasada, ayaa amray taliska Booliska in si deg-deg ah sharciga loo horgeeyo Askariga dilka geystay, “Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Ciidamada qalabka-sidaa ay u taagan yihiin sharafta iyo haybadda Qaranka, cidkasta oo dhaawac ama dil u geysataana ay ku xad-gudbayso sharaftii Qaranka ee uu huwanaa, waxaanu intaasi ku daray in Askariga dilkaasi geystay sharciga deg-deg loogu fuliyo,” sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeed shalay ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada oo madaxweynuhu kaga dareen-celiyey dhacdadaas.

Dhinaca kale, waxa shalay Xabaalaha Naasahablood ee duleedka Woqooyi Bari ee Magaalada Hargeysa aas qaran loogu sameeyye Alle ha u naxariistee Talihii Saldhigga Booliska ee magaalada Arabsiyo Marxuum Cabdi Ismaaciil Xaaji Cali, waxaana jinaadda ka qayb-galay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, xubno ka tirsan Goleyaasha Dawladda iyo Ciidamada qalabka-sida.

No comments:

Post a Comment