Thursday, October 2, 2014

Xog-warran Himilo la yeeshay Suxufi Laxaadka Aragga Naafo ka ah iyo Waayaha ku gedaaman Nolol maalmeedkiisa oo xiiso gaar ah xambaarsan

Qaybta 2aad ee Waraysiga oo Xiiso badan xambaarsan

 “Email ayaad ii soo diri kartaa, waan akhrisanayaa, waan kaaga soo jawaabayaa. Facebook-ga markaad soo gasho, ka arkaya waxa laga yaabaa inaan annigu uga soo dheereeyo inaad online tahay dareemisteeda. Wararka website-yada ayaan ka galaa kuwii aan doonayo waan akhristaa."

Hargeysa, 02 Oct, 2014 (Himilo)- Caddadkii shalay ee Wargeyska Himilo, waxa aanu akhristeyaasha ugu soo gudbinnay qaybta koowaad ee xog-warran dhinacyo badan taabanaya oo Himilo la yeeshay Suxufi laxaadka Aragga naafo ka ah oo ka hawl-gala qaybo ka tirsan warbaahinta dalka, gaar ahaan Idaacadda Dawladda ee Radio Hargeysa oo barnaamijyo uu isagu gacmihiisa ku diyaarsaday si joogta ah uga sii daaya todobaadkii laba maalmood.

IMG_1664Qaybta hore ee Waraysigan oo wariye Maxamuud Walaaleeye oo Himilo ka tirsan la yeeshay Mowliid Maxamed Odowaa, waxaanu akhristeyaal idinku soo gudbinnay qaybo ka mid ah waayihiisii nololeed ee yaraantiisii, duruufo qalafsan oo nolosha ka soo wejahay, isbeddelkii uu noloshiisa kaga sameeyey dhinacyada Tacliinta iyo dhex-galka bulshada oo uu kaga duwanaaday dad badan oo ay wadaagaan laxaad la’aanta aragga, Caddadka maanta iyo qaybta labaad ee waraysiga Himilo la yeeshay Wariye Mowliid Odowaa, waxa uu kaga sheekaynayaa sida uu shakhsi ahaan u arko eray-bixinta ama sifooyinka bulshada uu ku nool yahay ku tilmaamaan dadka naafada ah ee hayb ahaan ay iska wadaagaan laxaad la’aanta Aragga, sida uu u isticmaalo Kombuyuutarka oo uu ku shaqaysto, si uu ula socdo wararka lagu baahiyo shabakadaha Internetka iyo baraha bulshadu ku kulanto.

In kasta oo Mowliid indhihiisu fayow yihiin muuqaal ahaanna la mid yihiin qofka caadiga ah ee laxaadka Aragga u fayow yahay, haddana indhihiisa  waxba ma arkaan oo waxa awooddii araggiisa ka qaaday cudurka Qoor-gooyaha oo sida uu qaybtii hore ee Waraysiga ku xusay inuu laxaadkiisa aragga ku waayo sabab u ahaa.  Waxa uu Mowliid isbar-bardhig ku sameeyey noloshii uu ku jira xilligii uu Laxaadka Aragga qabay iyo wakhtigan, waxaanu aaminsan yahay in xaaladda wakhtigan noloshiisu ku sugan tahay ka wanaagsan tahay ugana kheyr badan tahay xaaladdii noloshiisa ee wakhtigii uu indhihiisu wax ka arkayey.

Mowliid Odowaa oo la weydiiyey inuu dib ugu laabtay deegaankii uu yaraantiisii ka yimi ka hor intii aanu magaalada soo gelin iyo sida ay bulshadii uu ku dhex-koray u arkeen isbeddelka uu noloshiisa ku sameeyey marka la bar-bardhigo noloshii uu ku noolaa xilligii uu indhaha qabay, waxa uu ku jawaabay, “Walaahi waa sheeko dheer, Maxamuudow, waa mararka aan idhaahdo noloshii hore, nolosha aan immika ku jiro ayaa dhaanta! Waxaan aaminsanahay shalay markaan indhaha qabay noloshaan ku jiray iyo nolosha maanta isbar-bardhigeedu, inay ta maanta wanaagsan tahay. Dad badan ayaa markay maqlaan jawaabtaa isweydiinaya, oo tollow sidee ayey arag la’aan uga wanaagsan tahay wax araga? Laakiin Illaahay Qur’aanka Kariinka waxa uu ku sheegay Aayad macnaheedu yahay ‘Waxa laga yaaba in wax aad jeceshahiin aanu kheyr idiin lahayn, wax aad necebtihiina idiin wanaagsan yahay’. Noloshii wakhtigaa aan ku jiray allif-wax-malle maan aqoon, xoolo-raac ayaan ahaa, haddaan sidaa ku sii jiri lahaana waxaan filayaa inaan maantana halkii miyiga sidii xoolaha ugu raaco anigoo jaahilnimo xagga aqoonta kaga jira oo horumar balaadhan aanan samayn kareen.

Sannadkii 2006 ayaan ku noqday deegaankii reerkayagu deggenaa een xoolaha ku raaci jiray. 11 sannadood ka dib markii aan laxaadkii araga waayey, ayaan la kulmay asxaabtii aan wada ciyaari jirnay. Sida magaalada u haysato aafada tahriibka ayaa dhinacaa miyigana ay haysataa aafada dhuxulaysigu, oo kii boqolka neef u foofayeen ayaa isaguna aroortii faash kula jarmaadaya dhirta, si uu ugu garaabaysto  oo Jaad ugu cunno. Waa geed geed cunaya (geed ayuu soo garaacayaa, kharashii ayuu geed kale ku cunayaa). Dabadeed annigoo tuuladii gaadhi kasoo raacaya, ayaan dhowr qof la kulmay dadkii aanu xoolaha wada raaci jirnay,  barqinkii oo ah xilliga miyiga hawshu ugu badan tahay ee xoolaha la kala foofinayo, ayaan ogaaday iyagoo tuuladii ku soo hormaya, dabadeedna waxaan isweydiiyey hadaan sidii qof laxaadkii aragidu u fayowyahay aad tahay sida saaxiibadaa ayaad adiguna geed-geed cunaya noqon lahayd, ilayn meel uun baad la mari lahayd saaxiibadaaye. Waa mararka aan idhaahdo Illaahay sidii kheyr kuugu jiray ayuu ku waafajiyey.”

Mar la weydiiyey sida uu u isticmaalo adeegyada Farrimaha Email-lada, Facebook iyo Zaadka iyo sidoo kale qaabka uu ula socdo wararka lagu baahiyo mareegaha Internetka, waxa uu ku jawaabay, “Waxaan xusuustaa Maxamuudoow, habeenkii ugu horeeyey eed ila soo hadashay inaad ii sheegtay in ninkii ciwaankayga ku soo siiyey kuu sheegay inaan ZAAD-ka isticmaalo, waxaan ku leeyahay, Zaad-ku waa waxa ugu fudud een adeegsado. Weliba wakhtigan shirkada Telesom aad baan ugu mahadnaqayaa, waxay sameeyeen adeeg la yidhaadho (VR) waa nidaamkii loo adeegsanayey zaadka oo cod ahaan aad u isticmaalaysid, adigoo garaacaya (888), ka dibna raacaya codadka hadba waxa aad u baahan tahay. Laakiin shirkadda Telesom iyagoo aan adeegan (VR) furin ayaan furtay Zaad-ka. Maalintii waan xasuustaa xarun oriental ku agtaalay ayaan tegay, ninkii fadhiyey ayaan ku idhi waxaan doonayaa inaad Zaad ii furto inamadii joogay waan dareemi karaa waxay is weydiiyeen tollow ninkan aragtida naafada ka ah muxuu ku falayaa Zaadka, waxay igu yidhaahdeen waa hagaage, bal noo faahfaahi sidaad u isticmaalayso, waxaan u celiyey idinku ii fura, anniga tilmaaman doonee. Mobilada qaarkood ayaa markaad 888 gelisid dhawaaq yar bixinaya, anniguna dhawaaqaa ayaan dhegeysan jiray, inkastoo dadku iyagu aanay dareensanayn inuu jiro dhawaaqba, markaa dhinaca ayaan ku kabi jiray, taasoo ii sahashay inaan sida dadka laxaadka aragtida leh  u adeegsadaan u adeegsado,” ayuu yidhi Mowliid.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Dhinaca internet-ka, waxaan filayaa inay ishaadu kuu macalin tahay sidaan u isticmaalayo kombuutarka immika, Email ayaad ii soo diri kartaa, waan akhrisanayaa, waan kaaga soo jawaabayaa. Faceboog- markaad soo gasho, ka arkaya waxa laga yaabaa inaan annigu uga soo dheereeyo inaad Online tahay dareemisteeda. Wararka website-yada ayaan ka galaa kuwii aan doonayo waan akhristaa. Sida qofka caadiga indhaha leh u adeegsado ayaan u adeegsadaa, haddaanan qaar badan kaba badin aqoonta aan u leeyahay adeegsigiisa.”

Ugu dambayntii, waxa uu Mawliid ka hadlay dhibaatada tahriibtu ku hayso dhalinyarada dalka, waxaanu u soo jeediyey inay aaminaaan dalkooda iyo ciiddooda, waxaanu yidhi, “Waxa kale oo aan doonayaa inaan ka hadlo tahriibka dhalinta. Waa nasiibdaro in dhalinyaradii berry noqon lahayd hoggaanka dalkan tahriib ku biimeeyaan naftooda, iyagoo maskaxda ka qashay wax la yidhaahdo qurbe-joog, una arkay wax wanaagsan, balse uga fiicnayd inay qolqol-joog noqdaan oo dalkooda horumarsadaan.

Waxaan u soo jeedinayaa dhalinyarada in la aamino nimcada dhulkeena, laakiin hadiixoogiisii ka dhalandhoolo, oo berrina waayeelku allaysto, dee waxaa dhaxalkiisa yeelan doono konton sannadood ka dib markaan ka sii yaacno, kuwana ku soo yaacaan quruumo aynaan garanayn iyo shucuubta hareeraheena ah ee nimcooyinkeena badduhu ka mid yihiin ilayska ku raadinaya.”

No comments:

Post a Comment