Wednesday, October 1, 2014

Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Dufcaddii Shanaad Ee Ka Qalinjabisa Jaamacadda Geeska (IHU)

“Waxaan idinka rejaynayaa Illaahay Hoggaan inaad noqotaan, hoggaan macno leh aad noqotaan oo aydaan hoggaan mallafsada noqon, hoggaan durbaan tuma inaydaan noqon, hoggaan guul-wadeeya inaydaan noqon..” Madaxweynaha Jaamacadda Geeska Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahin
“Waxa weeyaan aad bay u fiican tahay Jaamacaddani, waayo? Waxaaba aniga isoo jiidatay Qur’aan iyo Saynis-ka oo aanan weli Jaamacadaha kale ee dalkeenna ku arag..” Wasiirka Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan
Hargeysa, 02 October, 2014-(Himilo)- Toddobaatan Arday oo isugu jira 40 Rag ah iyo 30 Gabdhood oo ah Dufcaddii shanaad ee Jaamacadda Geeska ee magaalada Hargeysa, ayaa shalay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Somaliland guddoonsiisay Shahaadooyinka.
Munaasibad loo sameeyey qalin-jebinta Ardaydan oo si heersare ah loo soo agaasimay, ayaa shalay lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, taasoo ka sokow Wasiirka Waxbarashada, ay ka qaybgaleen Masuuliyiinta, Maamulka iyo Macallimiinta Jaamacadda, Waalidiinta Ardayda qalin-jebisay, Masuuliyiin dawladda ka tirsan, Madax-dhaqameed, Madaxda Jaamacadaha dalka qaarkood iyo Marti-sharaf kale oo Xafladdaas lagu soo casuumay.

DSC_0061Ardaydan shalay ka qalin-jebiyey Jaamacadda Geeska (IHU) oo noqonaya Dufcaddii shanaad ee wax ka barta Jaamacaddaas, ayaa ka koobnaa toddobaatan Arday oo Afartan ka tirsani Rag yihiin iyo Soddon Gabdhood, kuwaasoo muddo shan sano ah wax ka baranayey Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacaddaas oo kala ah Quraanka iyo Sayniska, Shareecada iyo Sharciga, Ganacsiga, Maamulka iyo Dhaqaalaha.
DSC_0009Madaxweynaha Jaamacadda Geeska ee magaalada Hargeysa Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahin, ayaa Munaasibaddaa hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey, isagoo muhiimadda wax-barashada iyo hambalyada uu ardayda iyo waalidiinta u diray ka sokow, si qoto dheer uga hadlay waddaniyadda iyo waajibaadka looga baahan yahay Muwaaddiniinta ay Dhalinyarada waxbaratay ee dalka Somaliland ugu horreeyaan.
“Cilmigaa had iyo jeer waxay tahay inuu la socdo weliba markaynu maanta Somaliland aynu joogno inaynu ubadkeenna ku ababinno, dhalinyarada iyo qolooyinka maanta qalin-jebiyey-na ay tahay inay gaws-dambeedka ku qabsadaan oo aan jecelahay si qoto dheer inaan maanta ugu taagtaagsado waxa weeye Waddani-nimada, inaad aammintaan dhulkan inaad idinku leedihiin, dhulkan inaydaan marti ku ahayn.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Almis Yaxye.
Waxaanu Sheekha oo dhalinyarta qalin-jebisay ee waxbaratay la hadlayaa yidhi; “Dhulkan Allaah Sumxaanahu wa-tacaala eh wuxuu adduunka dhul abuuray inuu halkan idinku qotamiyey, markaa waa kalgacayl inaad u haysaan, hagar-bax inaad u haysaan, dedaal inaad gelisaan, daraaddii inaad u oontaan, aad oggolaataan daraaddii inaad u gaajootaan, mushaharka aad qaadanaysaa ha yaraado, Maamuuska iyo buunbuuninta laga yaabaa aad waydaan.”
Guddoomiyaha Jaamacadda Geeska Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahin oo ka hadlaya Dufcadihii ka horreeyey Dufcadda shanaad ee shalay Jaamacaddaas ka qalin-jebiyey uu yidhi; “Waxaan haddii ILLAAHAY yidhaahdo oo aan aad ugu boorrinayaa Ardaydii wada qalin-jebisay shantii sano ee idinka horreeyey Allaah mahaddii maanta meelo muhiim ah ayay ka shaqeeyaan, goobo muhiim ahna way joogaan.”
Sheekh Almis waxa uu Illaahay uga beryey dhalinyarada qalin-jebisay inuu ka dhigo hoggaan dhawrsoon oo aan ahayn hoggaan mallafsada oo guul-wadeeya, waxaanu yidhi; “Waxaan idinka rejaynayaa Illaahay Hoggaan inaad noqotaan, hoggaan macno leh aad noqotaan oo aydaan hoggaan mallafsada noqon, hoggaan durbaan tuma inaydaan noqon, hoggaan guul-wadeeya inaydaan noqon, hoggaan Illaahay wuxu idinku ogyahay ee dareenkiinna iyo Laabtiinna ku jira aan qarsan inaad noqotaan baan ILLAAHAY idiinka baryayaa.”
DSC_0039Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa iyaduna Munaasibaddaas ka hadlay, waxaanay ILLAAHAY uga rejaysay Ardayda ka qalin-jebisay Jaamacadda IHU inay noqdaan kuwii dalkooda, dadkooda iyo Diintooda-ba ku anfaca aqoonta fiican ee ay ka barteen Jaamacaddaas.
“Waxaan leeyahay Ardayda, Waalidiintooda, Macallimiinta iyo Jaamacadda Maamulkeeda-ba waxaan leeyahay Hambalyo, Illaahay baa idinka jisaa’i siin doona wax-tarkaa way nee aad u soo geysateen Carruurtaa maanta qalin-jebinaysa ee muddada badan wax la soo barayey, maantana ay tahay maalintii laga dhursugayey.” Sidaa ayey tidhi Wasiir Samsam.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan waxay u ducaysay Dhalinyarada ka qalin-jebisay Jaamacadda Geeska oo ay mustaqbal fiican u rejaysay, waxaanay Jaamacadda Geeska ku ammaantay Qur’aanka iyo Sayiniska oo ay xustay inay kaga duwan tahay Jaamacadaha dhiggeeda ah ee dalka Somaliland ku yaalla. Wasiir Samsam oo arrimahaa ka hadlaysaana waxay tidhi; “Insha Allaahu ILLAAHAY waxaynu uga baryeynaa inay meel fiican iyo rejo rejo wanaagsan helaan. Waxa weeyaan aad bay u fiican tahay Jaamacaddani, waayo? Waxaaba aniga isoo jiidatay Qur’aan iyo Saynis-ka oo aanan weli Jaamacadaha kale ee dalkeenna ku arag.”
Sidoo kale, Aqoonyahaniin ay ka mid ahaayeen Dr. Adna Aadan Ismaaciil, Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof: Saleebaan Axmed Guuleed, Salaaddiin iyo Waalidiin, ayaa Munaasibaddaa loo sameeyey Qalin-jebinta Dufcadda shanaad ee ka qalin-jebisay Jaamacadda Geeska, waxaanay hambalyo iyo bogaadin u direen Ardayda Qalin-jebisay oo ay si gaar ah ugu duceeyeen, Waalidka ku tabcay, Macallimiinta iyo Maamulka Jaamacadda IHU oo ay xuseen inay dedaal dhammaantood muujiyeen, iyagoo sidoo kale ka warramay muhiimadda ay Wax-barashadu u leedahay dadka iyo dalka.

HALKAN KA DAAWO


HALKAN KA DAAWO SAWIRADA XAFLADA

[gallery columns="4" ids="9114,9183,9182,9181,9180,9179,9178,9177,9176,9175,9174,9173,9172,9171,9170,9169,9168,9167,9166,9165,9164,9163,9162,9161,9160,9159,9152,9151,9150,9149,9148,9147,9146,9145,9144,9143,9142,9141,9140,9139,9138,9137,9136,9135,9134,9133,9132,9131,9130,9129,9127,9126,9125,9124,9122,9118,9117,9116,9115"]

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment