Friday, March 20, 2015

Roobabkii Gu’ga Oo Maanta Ka Curtay Gudaha Borama Xilli Baahi Weyn Loo Qabay

curoBorama:Mar,20,2015(Himilo)-Roobabka Xilliga Guga oo Baahi weyn loo qabay, ayaa maanta ka curtay Gudaha Magaalada Borama ee Gobolka Awdal oo kamid ahayd Goobaha Abaartu taabatay.

Sida wararku sheegayaan roobkan maanta ka da’ay Deegaanka Boorama, ayaa u badnaa Gudaha Magaalada, waxana uu qaboojiyey kulaylkii iyo Hanfigii Haystay Dadka iyo Duunyada deegaanadaas ku nool.

Deegaano badan oo kamid ah Somaliland, ayaa wax dul hoganaysa Daruuraha iyo fadadka Roobka dhaliya, iyadoo shacabku cirka kor u eegayaan, isla-markaana dhawrayaan xilliga uu di’I doono.

Sidoo kale roobkani waxa uu kusoo beegmayaa xilli dhawaan Deegaano badan oo dalka kamid ah laga soo sheegay qaylo-dhaan la xidhiidha Biyo iyo Baad la’aan dad iyo xooloba taabatay, waxana la bilaabay Biyo dhaamis laxaad leh.

Xilligii ugu kululaa ayaa la galay gebi ahaanba dalka, waxana qorraxu haatan maraysaa xilliyadii ay dhul badhaha dul joogtay, waxana la filayaa inuu kulaylku intaas kasii saa’idi doono.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment