
Wasiir Xaglo-toosiye, ayaa dhacdadan kaga warramay Munaasibaddii xilka loogu kala wareejinayey Agaasimaha Guud ee Cusub ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Agaasimaha Cusub, waxana uu ku dheeraaday Hirgelinta Adeegyo caafimaad oo Marxuumka dhintay ku Hawllanaa inuu Deegaanadaas ka hirgeliyo oo sababtooda lagu dilay,“Allah ha naxariisto xuseen Gacmo dheere, waxana uu ahaa nin qiime badan oo caan ka ahaa somaliland oo dhan, waxana uu ku dhintay u helis adeegyo caafimaad Deegaanada uu kasoo jeedo, isagaana ku qalqaaliyey, isagaana nala shaqeeyey, waxanauu idyaar u ahaa inuu gacan ka geysto,” ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.
Wasiirka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa xusay inuu Marxuumkaasi dhintay xilli uu doonayey in ay caafimaad Hufan helaan Dadka deegaanka uu kasoo jeeday ku nooli, waxana uu si gaar ah ugu mahadnaqay Laba Askari oo ku guulastay soo qabashada Gacan-ku-dhiiglihii dilkaas geystay, waxana uu yidhi,
“Shalay subax baanu safar halkan ka wada galnay, laba meelood oo uu isagu sababteeda lahaa inaanu dhagax dhigno, ayaanu soo dhagax dhignay, soo noqodkiina dhexda ayaa uu ku dhintay, waxana uu mahad celinayaa laba askari oo nala socday oo intay naftooda hureen Gacan-ku dhiiglihii oo Nool iyo Qorigiisaba soo qabtay.”
Wasiir Xaglo-toosiye, ayaa si cad u sheegay in sababta ugu weyn uu Marxuumkaasi u dhintay ay ahayd Dhiig-bax, waxana uu Hoosta ka xarriiqay inaanay shaqaale Gargaar degdeg siday nasiib u yeelan inay Nolol ku gaadhaan,
“Waxan u mahadnaqayaa Kooxdii Caafimaad oo uu hoggaaminayo Agaasime Askar, waxana ay nagaga horyimaaddeen meesha Badar-wanaag la yidhaahdo shishadeeda, marxuumkuna aad buu u dhiig baxay nasiib darrana isagoo dhintay oo naftu ka Baxday, ayey Agaasime Askar iyo Shaqaalihii la socday noo yimaadeen Naf Baxaysana oo wakhtigeedii dhamaadayna lama baajin karo, waxana ay soo qaadeen Meydkii.” Ayuu yidhi Wasiir Xaglo-toosiye.
Wasiirka ayaa isagu goob joog ahaa xilliga dilku dhacayey, waxana uu Marxuumka dhintay kamid ahaa Wafti wasaaradda Caafimaadka ka socda oo Deegaanada Hawdka kasoo dhagax dhigayey Xarumo Caafimaad oo Dadkaasi baahi weyn u qabaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment