Kabul:Mar,20,2015(Himilo)-Haweenay u dhalatay dalka Afghanistan, ayaa dadweyne cadhaysani Nolosha ku gubeen, kadib markii la sheegay inay Nuqullo kamid ah Qur’aanka kariimka ah dab qabadsiisay.Haweenaydan oo aan la xaqiijin caafimaadqabka maskaxdeeda, ayaa daqiiqado kahor intii aan dabka la qabadsiinin masaajid hortii ku gubtay nuqullo kitaabka Qur’aanka kamid ah, waxana shacabkii arkayey iyada lafteedii qabadsiiyeen dab.
Goobjoogyaal, ayaa ku waramaya in dadkaasi ay si xun u garaaceen haweeneydaasi, intaas kadibna iyadoo naf la-caari ah ay dabka qabadsiiyeen.
Ciidanka Booliska oo gaadhay goobtaasi ka hor inta aan haweeneyda lagu dilin, ayaa u babac-dhigi kari waayay dadkii cadheysnaa, ilaa ay nolosha ku gubaan, Booliska oo joogay.
Ma cadda waxa ay tahay haweeneydaasi iyo waxa sababay inay gubto nuqulo ka mid ah Qur’aanka. Waxayse tani noqoneysaa dhacdo si weyn looga hadalhayo dalka Afghanistan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment