Saturday, March 21, 2015

Wax Ka Baro Cilmiga Xadithka-W/Q Sh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii Afraad


Xadiiska Mudalaska ah waxa lagu gartaa:-
 Mudalasku waa qof xadiis ka warinaya qof kale, kana warinaya wax aanu ka maqal.
 Mudalasku waa qof xadiis ka warinaya qof kale, kagana warinaya magac aan lagu aqoon.
 Xukunkiisu waa daciif
Mudalasku waa laba nooc sida aynu kor ku soo sheegnay, nooca koowaad waa qof baa qof ka warinaya wax aanu ka maqal haba isa soo gaadhaane. Nooca labaadna waa inuu kaga wariyo magac aan lagu aqoon. Markaa la qaadan maayo xadiiskaa oo daciif buu noqonayaa. Midna illaa uu kala saaro warinta ah Can: waxa ka sugnaaday iyo Qaala: wuxuu yidhi. Oo uu ku badalo Xadasana: wuxuu noo sheegay ama ii sheegay iyo Samictu: waxaan ka maqlay. Mar hadduu sidaa yidhaa shakigii wuu ka baxayaa meesha oo wuu cadeeyey.
Xadiiska Shaadka ah waxa lagu gartaa:-
 Shaadku waa qof xadiis warinaaya oo koox ka badan ku khilaafa warinta.
 In uu khilaafo qof ka xifdi badan.
 Xukunkiisu waa daciif.
Shaadku waa qayb daciifka ka mid ah, waana qof xadiis kali ku noqda warintii, oo wadar ama koox ku khilaafa warinta. Waxa kale oo uu noqdaa qof ka horyimaada qof ka xifdi badan ama uga dhow xagga warinta tusaale; xadiiska odhanaya nikaax ma jiro wali la’aan Isra’iil Bin Yunis Abi Isxaaq Sabici ayaa ka warinaya awoowgii Isxaaq Sabici xadiisko Mutasil ah (darsiyadeeni hore ayeynu ku soo dhiganay Mutasilka), dhanka kale Sufyaan Asawri iyo Shucba Bin Xajaaj ayaa iyaguna Abi Isxaaq ka warnaya isagoo Mursal ah (Mursalka qudhiisa hore ayeynu u soo aragnay). Markaas baa laysku qabsaday sidee baa loo kala saaraa dhawrkan qof ee isku margan, sida muxadiisin fara badan oo Imaam Bukhaari ka mid yihiin ku tageen odayga ayaa u dhaw bay yidhaahdeen.


Xadiiska Maqluubka ah waxa lagu gartaa:-
 Maqluubku waa in qofka xadiiska warintiisa lagu yaqaanay la badalo.
 Xadiis aad is dhaafiso macnihiisa.
 Xadiisku sanadkiisii inta laga qaado sanad kale la saaro.
 Sanadku matni aanu lahayn la saaro, matnigana sanad aanu lahayn la saaro.
Maqluubku waa xadiis is daba maray oo sidii uu ahaa laga gadiyey, dhowr midna wuu noqdaa; in xadiis aad nin ku taqaanay warintiisa lagu yidhaa hebelkaa maahee kan baa warinaya. In xadiiska laftarkiisaba maqluubka loo rogo oo lays dhaafiyo Tusaale; xadiiska u wariyo Imaam Muslim ee ahaa nin sadaqo bixiyey illaa aanay ogaan midigtiisu waxa ay bixisay biddixdiisu. Halkaa waxa aad ka garanaysaa gacanta la sheegaya in aanay hayn biddixda ee ay tahay middigta. Ama xadiiska sanadkiisa iyo matni kala jaad ah layku keeno.


Xadiiska Fardiga ah waxa lagu gartaa:-
 Fardigu waa xadiiska lagu warinay hal dariiq
Fardigu laba midba wuu noqdaa; in hal qaab loo warinayo xadiiska, kaasoo ka dhigaya xadiiska fardi iyo inuu yahay xadiis hal dhan loo warinayo sida qof ayaa warinaya.
Xadiiska Mucalalka ah waxa lagu gartaa:-
 Mucalalku waa xadiis leh cilo qarsoon
Garatay in mucalalku yahay xadiis caadi ah balse ciilo qarsoon leh xadiiskana dhaawacaya.
Xadiiska Muddaribka ah waxa lagu gartaa:-
 Muddaribku waa xadiiska sanadkiisu is khilaafsan yahay
Waa xadiis sanadkiisu is khilaafsan yahay, mar Mursal lagu warinayo marna Musnad lagu warinayo.


La soco Qaybta Shanaad

No comments:

Post a Comment