Monday, March 23, 2015

Xukuumadda oo ka hadashay Khilaaf Diiwaangelinta Madaniga ahi ka abuurtay Deegaanka CEEL-SHEEKH iyo Go’aan Wasiirka Daakhiligu ka soo saaray

Maamulka Gobolka Saaxil oo lagu eedeeyey Lunsi Mushahar Shaqaale iyo Jawaabka badhasaabka

Hargeysa, 22 March, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Fahmi Maxamed Bidaar, ayaa sheegay in wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland la wareegtay inay iyadu qaaday masuuliyadda Diiwaangelinta Madaniga ah oo dhawaan shaqaaqo ka abuurtay tuulada Ceel-Sheekh ee Xeebta Galbeedka oo dhowaan dad gadoodsanin horjoogsadeen shaqaalaha diiwaangelinta oo deegaankaas la geeyey.
Maamulka gobolka Saaxil ayaa Hawl-wadeenno ka tirsan Shaqaalaha Diiwaangelinta Madani ah ka wada gobolkaas u diray magaalada Ceel-Sheekh oo ku taala deegaannada Xeebaha Woqooyi, gaar ahaan degmada Bulaxaar, waxaana hawsha hor-istaagay bulshada deegaankaas oo ku ddooday inaanay maamul ahaan hoos-tagin gobolka Saaxil, arrintaas oo sababtay in wasiirka Arrimaha Guduhu ku amro maamulka gobolka Saaxil inay dib uga soo celiyaan Hawl-wadeennada diiwaangelinta isla markaana meel ka sokaysa oo masfaafo ahaan u jirto soddon KM laga dhigo Xarun diiwaangelineed.
Badhasaabka gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar oo xalay Khadka telefonka ugu warramay Wargeyska Himilo oo arrintan wax ka weydiiyey, ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Guduhu la wareegtay masuuliyadda Diiwaangelinta Madaniga ee laga hirgelinayo deegaanka Ceel-Sheekh isla markaana ay maamul ahaan qorsheeyeen in goobta Diiwaangelinta laga bilaabayo laga dhigo Deegaanka Boodaale oo ka tirsan isla degmada Bulaxaar.
“Annagu marnaba ma dhaafayno, manaanaan dhaafin xadkayaga haddaanu nahay maamulka gobolka, meeshu waxay ka tirsan tahay (Ceel-Sheekh) Bulaxaar oo wax yaala kaabadihii Ingiriisku dhisay, runtiina dadka meesha deggen ayaa badhna oggol yihiin in laga bilaabo (Diiwaangelinta), qaarna way diiddan yihiin oo waxay leeyihiin kama tirsanin.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa nagu amray inaanu dib uga soo guurno oo diiwaangelinta laga bilaabo meesha la yidhaahdo Mashruuca, laakiin haddana dibbaanu uga soo rarnay shaqaalihii iyo qalabkii oo waxaanu diiwaangelintii ka bilaabaynaa Boodaale,” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Saaxil. Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray,
“Wasiirku wuxuu noo sheegay inay wasaaradda Daakhiligu la wareegayso meesha (Ceel-Sheekh) kana haw-galayaan, laakiin annagu sidaasbaanu uga soo baxnay.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay Isniinta Berri deegaanka Boodaale ka bilaabayaan Diiwaangelinta Madaniga ah , waxaanu hyidhi, “Bulaxaar waxaanu u dirnay oo ka shaqeeya labada tiim, midi waa magaalada gudaheeda, midka kalena waa kan aanu dib u soo celiy oo waxay diiwaangelinta ka bilaabayaan Boodaale oo hoos timaadda Bulaxaar.
Shaqaalihii iyo qalabkiina meeshii waanu ka soo qaadnay, immika waxaanu sugaynaa uun Internetkii lagu rakibiyey meesha oo immikaban la hadlyey qoladii shirkadda Telesom.”
Dhinaca kale, Guddoomiye Fahmi Cabdi Bidaar oo aanu wax ka weydiinnay cabashooyin maalmihii u dambeeyey ka soo yeedheyey shaqaalaha diiwaangelinta ee ka hawl-gala gobolka Saaxil oo isaga ku eedeeyey inuu ka leexsaday mushahar-bileedka ay qaataan, waxa uu dedafeeyey isla markaana meesha ka saaray inay wax ka jiraan eedayntaas, isaga oo ku dooday in shaqaalaha ka hawl-gala gobolka ee ku hawlan diiwaangelinta Madaniga ah dhammaantood la wada-siiyey mushaharkoodii, balse waxa uu qiray in mushaharku ka habsaamay, waxaanu yidhi, “Haba yaraatee ma jiraan shaqaale mushahar ka maqan yahay caawadaa (Xalay) aanu joogno, dhammaantood anigaa u soo qaaday Shan iyo tobankii bishan waanay wada-haystaan oo shalay (Dorraad) baanu siinnay intii u dambaysay, qof walbana meesha uu joogo ayaa loogu diray, Laakiin, sida xaqiiqdu tahay, mushaharku wuu ka raagay, taasaan filayaa inay ka cawdeen, laakiin eedayntaas wax aliyaale wax ka jira ha sheegin.
Waxa jiray oo kale, shaqaale la dhimay markii hawshu soo yaraatay oo iyaguna lacag nagu lahaa, kuwaasna waanu siinnay waxoogii, iyagaanan filayaa cabashadaasi ka timi.”
Guddoomiye Fahmi Cabdi Bidaar waxa uu sheegay in diiwaangelinta Madaniga ahi xilligan ka socota dhammaan degmooyinka gobolka Saaxil ka kooban yahay isla markaana ay yihiin gobolka ugu fiican xagga dar-dargelinta diiwaangelinta.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment