
“Waxaannu samaynay afar Guddi si Sharciyada dib loogu noqdo, kuwaasoo kala ah Sharciyada Dhaqaalaha, kuwa Akaadamiyadda iyo kuwa Maamulka intaas oo dhan, toddobaadkan gudihiisa ayaannu Shir isugu soo noqonaynaa sidii aannu Shuruucda Jaamacadda meel isula dhigi lahayn, sharci lagu dhaqmana ugu samayn lahayn. Hammigayagu waxa uu yahay in ay Jaamacaddu noqotu Jaamacad tayo leh oo caalamka laga ictiraafsan yahay oo Jaamacadaha ugu wanaagsan geeska Afrikana noqota.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Qorshayntu.
Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa sidoo kale ka jawaabay su’aal laga weydiiyey waxa ka jira warar sheegayay in Guddiga sare ee Jaamacaddu kooram la’aan u fadhiisan waayeen, waxaanu yidhi; “Runtii arrimahaas waxba kama jiraan Guddigu markii hore waxa ay ahayd sagaal xubnood, laba qof ayaa naga baxay hadda waxaannu ku joognaa toddoba, labadaas baxayna waxaannu ku talo-jirnaa inaannu buuxinno. Markaas, wax afar qof oo kooram ah aannu go’aan ku gaadhno maba jiraan, Guddiguna bishii mar ayay fadhiistaan, go’aan keligay-ba ma gaadhi karo wax iga-fulaana ma jiraan ee go’aan loo dhan yahay ayaannu gaadhnaa, waana arrin Guddi.”
Waxa uu ku faanay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland in Jaamacadda Hargeysa horumar fiican samaysay saddexdii sano ee ugu dambeeyey. “Jaamacaddu horumar ballaadhan ayay samaysay saddexdii sano ee ugu danbeeyay, halkii ay joogtay markii hore iyo halka ay maanta joogto aad ayay u kala fog yihiin, hadday noqoto dhinaca Maamulka, dhinac Ardayda, dabcan tabasho way iska jirtaa, meel tabasho la’inna ma jirto. Laakiin, annaga waajibka nasaarani waxa weeyaan sidaannu u sixi lahayn una wanaajin lahayn Jaamacadda.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire.
Khilaafka iyo is-qabsiga Maamulka Sare ee Jaamacadda Hargeysa, ayaa soo noqnoqday, isla markaana marar badan ayuu hoggaanka Jaamacadda khilaafaad soo kala dhex-galay, kaasoo mararka qaar galaafta Madaxda Kulliyadaha. Waxa sidoo kale, marar kala duwan khilaaf iyo is-maandhaaf ka dhex-dhashaa Ardayda wax kabarata Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda iyo Maamulkooda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment