Friday, March 20, 2015

Xoogagga Daacish Oo Ku Faantay Weerarkii Ka Dhacay Dalka Tunisia Iyo Tirada Dadkii Ku Dhintay

bardMousil:Mar,20,2015(Himilo)-Islaamiyiinta ka Dagaalama Dalalka Ciraaq Syria ee Daacish, ayaa si rasmi ah u shaaciyey inay masuul ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday Matxaf ku yaalla Gudaha waddanka Tunisa oo lagu laayey tiro dad ahaa.

Maamulka Tunisia ayaa xidhxidhay sagaal qof oo lala xidhiidhiyey weerarkii matxafka Tunis, kaas oo ay ku dhinteen 23 qof.

Saacado gudahood weerarkii Arbacadii ayaa saraakiil dawladda ka tirsani ay sheegeen in booliisku uu raadinayo dad weerarkii kaalin ka geystay, ka dib markii xoogagga amnigu ay toogasho ku dileen laba dabley ahaa oo loo aqoonsaday Yaasiin al-Cebeedi iyo Xaatim Khashnaawi.

Labada nin ayaa rasaas ku furay dad dalxiiseyaal ah, banaanka matxafka qaranka ee Bardo, ka hor intii ayna dad kale la-haystayaal ahaan u qabsan.

Ra’iisal Wasaaraha Tunisia Xabiib Essid ayaa radio-ga RTL u sheegay in aanay wali caddeyn cidda ay ka tirsan yihiin raggii weerarka geystay.

Dadka dhintay waxa ka mid ahaa 20 dalxiise oo ajaanib ah iyo 3 reer Tunisia ah, sida ay saraakiisha dawladdu sheegtay.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment