Hargeysa:Mar,19,2015(Himilo)-Mudane Cabdiqaadir Maxamed Xasan(indho indho) oo ah Mudane katirsan Golaaha Guurtida, lagana soo doorto Gobolka Sool, ayaa ka Hadlay dhibaatada haysata hoggaamiyaha kooxda Khaatimo cali Khaliif, waxana sheegay inuu tegay meel aan looga Baahnyn.
Mudane Indho indho oo maanta warbaahinta kula Hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa si toos isbarbar dhig ugu sameeyey naftiisa iyo Cali Khaliif, waxana xusay inuu Cali Khaliif yahay Nin ku dhex jira Tol turxaamaysan, waxana uu ugu baaqay in haddii uu xukun doon yahay uu halkan yimaaddo,
“Cali khaliif waxa uu la joogaa Gun Sokeeyo Ah,anaguna waxaanu la joognaa Gob Cadaawe Ah,markaas wax alaale iyo wax ay ictiraafayaan iyo waxa ay u tarayaan majirto,waa waxaa iyagii is cunaya,Cali Adeer hadii uu Maamul Doonayo inuu kan maamulo ayaa ka fiican inta uu tagayo meesha hargaha lagu cuno,buuhoodlena ciidanku niyuu boolisku way soo galeen,wajaale ayay soo galaan baligubadle ayay soo galaan,Markaas kuwaas ay soo galayaan buuhoodle oo dhan itoobiya ka Ah kuwaas kama wanaagsana.”ayuu yidhi Indho Indho.
Xildhibaanka oo Hadalkiisa sii wata, ayaa ka Hadlay tabashooyinka kasoo yeedhaya Gobollada Bariga dalka, waxana uu xukuumadda ugu baaqay inay dhegaysato oo wixii awooddeeda ah ka qabato, waxana uu yidhi,
“Bari waxa ayay ka qabtay waxna way u hadhsan yihiin,waayo labaatankii Sano ee ugu horeeyay Ayaan waxba laga qaban Deegaankaasi,Shan Sano oo Madaxwayne siilaanyo joogayna ayaa wax laga qabtay,waxaana la doonayaa siday u Koreen dadka dagan galbeedu in Iyana u koraan,waxaanad Dareemaysaa siday Galbeedka Biyaha Bali bali u yihiin in Iyana ceelal badan loo qodo,Abaaro badan ayaana deegaanka ku dhuftay oo Qalo dhaanta waad arkaysaan ka soo yeedhay.Tabashooyinku ilaa xaawa iyo Aadan way taagnayeen,ilaa iyo waligeedna way jirayaan,lakiin Somaliland iyo waxaas lama laha af somali maaha,somaliland dhul ayaa la’idhaa dad ayuu ilaahay kuwada abuuray tabashaduna ilaa waligeedna way jiraysaa,xukuumaduna waxa wanaagsan in wixii jiray ay ka garawdo,wixi kalena iska difaacdo,wixii reer galbeedku u baahan yihiin reer bariguna way u baahan yihiin,Reer galbeedkana dadka guraasta wax ka siiya Ayaan leeyahay.” Ayuu yidhi Xildhibaan Indho indho.
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay Mudo kordhinta la sheegayo ee xukuumadu doonayso in ay u sameeyaan Golaha Guurtidu kaas oo sheegay in ay ka gudan Doonaan waajibaadkooda Dastuuriga Ah raaci Doonaan Qodobka 83tanaad, waxana uu yidhi,
“Horta ilaahay naguma Keeno Mudo Kordhin lakiin haday timaado Wixii uu ina Farayo Dastuurku ayaynu raaci Doonaa,haday Timaadana waxa la raaci Doona Qodobkiisa 83,ka Kobaad ka Labaad iyo ka Sadexaad ayuunbaa La raaci Doonaa Kolba Duruuftu Siday tahay ayaa La eego Doonaa Lama Kala Dareeri Doona.”
Himilo Media
No comments:
Post a Comment