Sunday, March 22, 2015

Baarlamaanka Somaliland oo sheegay in Saxaafaddu halis ku hayso, xilli ay ku guul-darasyteen fulinta ballan-qaadyadoodii hore

Xidhiidh ma wadaagaan gaabiska taageerada Qaadhaan-bixiyaasha doorashooyinka iyo fulin la’aanta ballan-qaadkii Baarlamaanku Haweenka u sameeyey?

Hargeysa, 22 March, 2015 (Himilo)- Golaha Baarlamaanka Somaliland, ayaa ku guul-darraystay inuu fuliyo qorshe-hawleed ay isku raaceen dhaqangelintiisa sannadkii hore, oo halisaha haysta ay ku sheegeen inay ka mid tahay Saxaafad weerarta iyo Xukuumadda federaalka Soomaaliya oo fashilisay wadahadalladii Hargeysa iyo Muqdisho u socday oo Baarlamaanku u fasaxay Xukuumaddu inay bilawdo 2012-kii.
baarlamaankaGuddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo daabacaadda qorshe-hawleedka Baarlamaanka ee 2012 illaa 2015 sheegay inay wax ka beddel iyo kaabis ku samayn doonaan haddii loo baahdo, isla markaana sannadka 2015 samayn doonaan qorshe hawleed cusub ayaanu waxba ka hirgelin ballanqaadkiisa.
Qore-hawleedka Golaha Wakiilladu isla qaatay sannado horteed oo wax ka fulay aanay jirin ayey ka mid ahaayeen kordhinta kuraasta Kootada Haweenka, dhisitaanka xidhiidhka wada-shaqeyneed ee u dhexeeya Xaaxda fulinta iyo Sharci-dejinta iyo qodobbo kale.
Golaha Wakiilladu qorshe-hawleedka ay sheegeen inay ku dhaqmi doonaan saddexda sannadood ee 2012 illaa 2015, kuna go’aamiyeen inay qabanqaabiyaan kulan dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka, Golaha Guurtida, Xukuumadda iyo Ururrada Bulshada uga wada-xaajoon lahaayeen sare u qaadka Kuraasta Haweenka ee Baarlamaanka soo socda, ayaan nasiib-darro aanay fulin, balse, is-hortaageen hindise Madaxweyne Siilanyo ugu soo gudbiyey qorshe tirooyin cayiman inay ka helaan kuraasta Baarlamaanka gaar ahaan Golaha Wakiillada Haweenku.
Sidoo kale, qorshaha saddex sannadlaha ahaa ee Wakiilladu ansixiyeen oo ay ku jirtay inay dhisaan xidhiidhkooda wada-shaqeyneed ee Waaxda fulinta iyo Golaha Wasiirrada, kuna go’aamiyeen inay dhisaan Guddi gaar ah oo bilaaba wada-xaajood lagu kobcinayo iskaashiga u dhexeeya Baarlamaanka iyo Xukuumadda, isla markaana kala shaqeeyaan Xukuumadda abuuritaanka tallaabooyin lagu anshax-mariyo Wasiirrada ka baaqda wada-shaqeynta iyo yeedhmada Baarlamaanka ayaanay waxba ka fulin.
Qorshe-hawleedka Wakiillada oo lagu muujiyey halista haysata Baarlamaanka ayaa lagu sheegay inay ka mid yihiin Saxaafad weerar ku ah, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Dib u dhaca doorashooyinka oo ay sabab u tahay helitaan la’aanta dhaqaalaha qaadhaan-bixiyeyaasha, si loo xaqiijiyo in hawlahii diyaargarowga doorashooyinku dhammaystiran yihiin.
Golaha Wakiillada Somaliland oo ku faanay inay haystaan jewi ay shaqooyinkooda ku gutaan, ayaa la saadaalin karaa in fulin la’aantooda qorshahii ay dhigteen sabab u tahay gaabiska waddamada taageera dimoqraadiyadda Somaliland ee ku aaddan dhaqaalaha ay ku bixiyaan doorashooyinka, maaddama oo ballan-qaadkoodii kordhinta tirada Kuraasida Haweeenka ee Baarlamaanka soo socda ku guul-darraysteen inay ka dhabeeyaan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment