Waxay ahayd muddo 23 sanno kasoo wareegtay xoreyntii iyo soo-gelitaankii magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Inta muddadaas ah dadkeena iyo dawladeenu waxay ku soo caano maalayeen Nabadgelyo, Horumar iyo Wax-wada-qabsi, taas oo keentay in dhulkeena iyo waddankeeni noqdo mid horumarka dhinaca bulshada aad mooddo in wax-wayni iska beddeleen.
Nidaamka saxda ah (Real Structure) iyo kala sareynta maamul dejin waa mid lagu yaqaan waddan dhisan oo leh xeerar iyo xakame.
Laakiin labada isku kay qaban la’ ayaa ah in bulshadeenu jeceshahay horumarka iyo in waddanku noqdo mid lugu soo hirto, dhanka dhaqaalaha, Waxbarashada, Siyaasadda iyo kan ugu muhiimsan oo ah Nabad-gelyada, laakiin aad arkaysid in bulshadani u bislayn horumarkan iyo wax-wada qabsigan ay niyadda ku hayaan ama goor walba ay jecelyihiin ka sheekayntiisa.
Tusaale waxa inoogu filan in dadku jecelyihiin dhismaha waddooyinka iyo bannaynta meelaha dadku maraan ee aan lagama maarmaanka ahayn, ama ay helaan waddan qurxoon oo leh Mar-mar iyo meelo biyo-mareeno ah oo wakhtiyada roobku da’o ay maraan biyuhu, waxay jecelyihiin in ay dhistaan buundooyin (bridges), waxay jecelyihiin inay helaan dabaqyo dhaadheer oo ganacsi ka dhex socdo isla markaana caalamku ku soo hirto, waxay jecelyihiin in dhaqaalaha waddanku dhaqaaqo oo Cashuurta laga dhimo isla markaana gobol kasta oo waddamada jaarka ah ay wax u iib geeyaan, Laakiin xaqiiqada ficillada iyo talaabooyinka ay bulshadu qaadaysaa taas way ka duwantahay, isla markaana ma hayaan waddadii horumarka, Waayo waxaad arkaysaa in bulshadu aanay u bislaan wax looyaqaan CITIZENSHIP (Muwaadinnimada) ka kaas oo ah Wadaniyada Ama dhul jecelaysiga. Bal fiiri Haddii ay noqoto Doorasho waxaa la doortaa Kan reeraha Dhexdooda looga yaqaan Af-ku-xoogle, Kan leh Naanayso iyo Magacyo qalafsan oo ah Sida qof wax dhacsanaya oo kale, ma Doorano kan ka fikira horumarka, Bal fiiri qurux kasta oo soo korodha Bulshadu ma danayso. Waxa kaba sii daran waddooyinkii la dhisay waxay berri ka maalin ku shubayaan biyo uskag ah iyo xashiish, Bal fiiri ololaha waxay dadku u sacab tumaan mid aanay aqoon iyo cilmi toona ku ogayn, Laakiin boob iyo xoog ay ku ogyihiin kaas oo waliba ay qabyaalad ku doorteen. Haddii Wasiir la beddelo, waa kuwo ka hadla Tv-yada oo u hanjaba dawladda, aaway Muwaadinimadii?
Waxaan ku soo gebo-gabaynayaa, Ebbe ha inna waafajiyo Garashada Suubban.
Hamse Bashe Muhumed
Hargeysa/Somaliland
E-mail: Xamse18@gmail.com
252-63-403 8503
Himilomedia.com
Hargeysa

No comments:
Post a Comment