Sunday, March 22, 2015

Guddoomiyaha Cusub ee Baanka Dhexe oo Xilka ugu Culus ee lagu wareejiyey ku sheegay Sicir-bararka iyo Wax-ka-qabashadiisa

Hargeysa, 22 March, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Cusub ee dhowaan loo magacaabay Baanka Dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi Xaaji Jaamac, ayaa shalay si rasmi xilka ugala wareegay Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe Cabdi Dirir Cabdi oo muddo Afar Sanno iyo dheeraad ah soo hayay xilkaas oo madaxweynuhu bishan horaanteedii ka qaaday.
Baanka-somalilandMunaasibad Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa loogu qabtay Xil-wareejinta labada masuul, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirrada Tamarta, Ganacsiga, Qorsheynta, Wasiirul-dowlaha Maaliyadda, Saraakiil ka tirsan Baanka Dhexe, Xildhibaanno, Wakiillo ka socday Bangiyada Ganacsi ee dalka ka jira iyo marti-sharaf kale.
Ugu horeyn, waxa munaasibadda hadallo ka jeediyey Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Maxamed Xasan Aadan oo ku dheeraaday marxaladihii uu soo maray Bangiga Dhexe ee Somaliland iyo baaxadda wax-qabadyadii ay horumarkiisa ka soo geysteen Madaxdii u kala dambeeyey, isaga oo xusay in Baanka Dhexe gobollada dalka ku leeyahay Laamo furan oo shaqeeya, kuwaas oo laga hirgeliyey hirgeliyey magaalo-madaxdayada gobollada dalka.
Guddoomiyaha Guddida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Cumar Sanweyne oo ka hadlay munaasibadda, ayaa sheegay inay Gole ahaan ku hawlan yihiin dhammaystirka Xeerarkii muhiimka u ahaa Baananka iyo Shuruucda la xidhiidha Arrimaha Lacagaha la isku xawilo, waxaana bogaadiyey Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe Cabdi Dirir Cabdi oo uu sheegay inay gole ahaan wada shaqayn iyo xidhiidh wanaagsan u dhaxaysay.
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo Madasha, ayaa ku dheeraaday Muhiimadda ay dalka u leedahay helidda Bangiyo ganacsi oo ka hawl-gala dhammaan dalka oo dhan isla markaana bulshada u fududeeya adeegyada uu bixiyo.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyada Somaliland Cismaan Maxamuud Saxardiid, ayaa soo dhaweeyey Guddoomiyaha Cusub, isla-markaana sii sagootiyey Guddoomiyihii Hore oo wasaarad maaliyad ahaan uu sheegay inuu si haboon ula soo shaqeeyey.
Guddoomiyihii hore ee Baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi oo halkaas ka hadlay, ayaa ugu horeyn madaxweynaha uga mahad-celiyey Xilka Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee uu u dhiibay Afar sanno iyo dheeraad ka hor, waxaanu si faahfaahsan uga warramay isbeddelkii uu ku kordhiyey Baanka Dhexe wakhtigii uu xilka la wareegay iyo heerka maanta uu marayo, “Waxaan leeyahay Xilka Madaxweynaha Somaliland baa qofka uu gartana saaraya, qofka uu doonana ka qaadaya, Madaxweynahana aad baan ugaga mahadnaqayaa Fursaddii uu iisiiyey inaan dalkayga iyo dadkayga u adeego, Baankana markaanu la wareegnay waxanu ugu nimi Lix Milyan oo Sl Shilling iyo Dayn Saddex Million iyo Siddeed Boqol oo kun ah, Maantana waxaan kaga tegayaa Baanka Lacag dhan Siddeed Milyan iyo badh Dollar iyo Boqol Konton iyo shan Bilyan oo Somaliland shilling ah,” ayuu yidhi Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe ee Somaliland.
Guddoomiye Maxamed Xaaji Jaamac oo xusay in aafada Sicir-bararku tahay dhibaatada ugu weyn ee dalka ka taagan ee aafeeyey Nolosha dadka reer Somaliland, taasi ay tahay xilka ugu weyn ee wax-ka-qabashadiisa uu ka hawl-gali doono, waxaanu yidhi, “Xilka ugu weyn ee maanta la igaga tegay ee ugu culusi waa sicir-bararka aan cidna dhaafaynin ee qof walba taabanaya ee Guri walba geliya, Haddii aynaan dhinac uga soo wada jeesanin oo aynaan ka midoobin inaynu meeshiisii ku celino aad bay dhibaato u dhacaysaa, Dagaal ugu xunina waa Sicir-bararka, Qorshaana aanu dejin doonaa shirka ugu horreeya ee annaga iyo wasaaradda Maaliyaddu wada yeelano ayaanu kaga hadli doonaa, waxana aan rajaynayaa inay wax rasmi ahi kasoo bixi doonaan.”
Ugu dambayntii, waxa halkaas si rasmi ah xilalka loogu kala wareejiyey Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe Cabdi Dirir Cabdi oo lagu ammaanay wax-qabadkii uu soo kordhiyey muddadii uu joogay iyo guddoomiyaha Cusub Maxamed Cabdilaahi oo Eebbe looga baryey inuu u fududeeyo hawsha culuskeeda uu dusha u ritay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment